ciyaaro 

Liverpool Oo Ka War Sugeysa Dhaawaca Lucas Leiva.

 

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 20-January-2014

351075_heroa

Liverpool ayaa ka war sugeysa dhaawaca Lucas Leiva iyagoo doonaya inay ogaadaan inta uu la egyahay dhaawaca soo gaaray.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil ayaa garoonka ka baxay kaliya 20 daqiiqo uu ku jiray ka dib markii uu bedel ku soo galay xilligii nasashada ee kulankii ay barbaraha 2-2 l;a galeen Aston Villa, iyadoo kooxda Brendan Rodgers ay ka soo kabsatay labo gool oo looga hormaray.

“Waxa ay jilibka isku dhufsadeen ciyaaryahan kale, waxaana uu xanuun ka dareemay jilibka” ayuu tababaraha Liverpool u sheegay suxufiyiinta.

“Waxaan rajeynayaa in dhaawaca uusan aheyn mid halis ah laakiin ma ogaan doono 24ka ama 48da saacadood ee soo socota.”

 

 

Lucas ayaana lagu waramayay inuu ciyaarta ka dib Anfield kaga tagay isagoo biro ku boodaya.

27 jirkaan ayaa hore u qabay dhibaato jilibka ah isagoo ku seegay qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii 2011-12.

Waxa uu sidoo kale seegay muddo seddex bilood ah markii ugu horeysay ee uu ka hoos ciyaarayay Rodgers ka dib markii dhaawac uu bowdada ka soo gaaray.

waxaa qoray maslaxtaleexi
www.maslaxtaleexi.com