Aabah Dhalay Neymar Oo Qirtay Inuu Barcelona Ka Qaatay 40 Milyan Euro.

29/01/2014 21:23

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 29-January-2014

neymar-with-father-at-barcelona-presentation

Wargeyska caanka ah Ee EL-Mundo ayaa kashifay sirta dhabta ah Ee ku jirta heeshiikii dhex maray naadiga Santos iyo kooxda FC Barcelona, waxeysa xaqiijisay in heshiiskii lagula soo wareegay xiddiga reer brazil iyo kooxda Barceolna Neymar Junior da Silva uu kalifay lacag gaareysa 82 Milyan oo Euro blse aysan aheyn sida ay shaaciyeen Madaxda Barcelona Ee ahaa 57 Milyan.

Aabaha dhalay Neymar ayaa qirtay inuu barca ku xiray shardi ah 40 Milyan hadii ay doonaayan wiilkisa isagoo cadeeyay in arimaha ay sii adkaadeen balse uu xaqiijinayo in Neymar si sharci ah lagula wareegay.

“Danta Neymar ayaan halkan u jooga waxan rabaa koobka aduunka inuu si daganaan ah uga qeyb noqdo Waxaan u imid inaan caddeeyo xaqiiqada dhabta ah Ee heshiiskii Neymar ugu biiray Barcelona” ayuu yiri Aabaha dhalay Neymar.

Aabaha Neymar da Silva ayaa sheegay inuusan walwal ka qabin cunaqabatayn maaliyaded oo kasoo waajahda Spain ama Brazil waxa uu sidoo kale qirtay inuu heshiiska Neymar ku xiray 40 Milyan Euro sanadkii 2011 taa oo damiin ahaan ka aheyd in Neymar Barca ku biirayo 2013 June .

 

 

“Neymar wuu ka tagi lahaa Santos  kaliya Barca ayuu ku biiri lahaa kooxan Barcelona aheyna umaan ogoleyn arintaasna 2011 ayaa lagu heshiiyay, heshiiskas inan adkeeyo oo aan hirgaliyo ayaa la ii xil saaray 40 Milyan waxey aheyd ballanqaad inuusan Neymar koox kale ku biireyn sido kale kooxo kale ayan dalab ka helnay lkn Neymar ayaa Jeclaa Blaugrana waxan rabaa inan wiilkeyga u sharaxo mana doonayo inuu walwalo” ayuu ugu jawaabay saxafi suaal ka weydiiyay heshiiski Neymar.

“Waxaan ka codsaday Bartemou inuu u sharxo saxaafada faahfaahinta heshiiska si loo ilaaliyo magaca Neymar iyo qoyskiisa Waxaan ku celcelinayaa inan u dan lahayn lacag waxaan rajaynayaa inaad i rumaysataan, sababtoo ah waxan dooneyna nabad” ayuu carabka ku adkeeyay.

Aabaha Neymar ayaaa tilmaamay inuu cabsaday kadib markii ay Brazil arkeen haybada Neymar sido kale haday Brazil ku guul dareysan laheyd koobka qaaradaha uu Neymar dhibaatoyin  kala kulmi lahaa sido kale ay mudaahradyo Brazil ka sii socon lahyeen, weyna jireen naadiyo 120 Milyan Euro kusoo dalbaday lakiin ay ka diideen maadama uu Neymar rabay Barca.

“Barcelona iyo Santos ayaa ku heshiiyay 17 Milyan Euro inuu ugu wareego Neymar Wiilkeygana wuu ogolaaday anigana 40 Milyan ayaan ka dalbaday Barca sidaa ayuuna heshiiska ku hirgalay” ayuu hadlkiisa kusoo gunaanuday Aabah Neymar.