Arsenal Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Heshiis Qaali Ah Oo Sanadkii Ay Ku Heli Doonto 30 Milyan Oo Ganni

27/01/2014 09:33

Waxaa Qoray: MASLAXTALEEX

Taariikh: 27-January-2014

Arsenal_2695691b

Kooxda Arsenala ayaa shaacisay galabta inay heshiis rasmi ah la galeen shirkada laga leeyahay Germany ee samaysa qalabka iyo dharka Sports ka ee Puma, Puma ayaa dhankeeda shaacisay inay heshiis la gaartay kooxda Arsenal iyagoona ku cadeeyay boggooda Twitterka sida ay ugu faraxsan yihiin inay la midoobaan kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Arsenal ayaa xayaysiin jirtay  shirkada Nike ee laga leeyahay maraykan ka lagasoo bilaabo 1994 ilaa hada wuxuuna dhacayaa heshiiska Nike iyo Arsenal dhamaadka xili ciyaareed kaan markaas oo kooxda ay ku wareegi doonto shirkadaan Puma, heshiiskaan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid qaali ah iyadoo kooxda Arsenal ay usoo xaroon doonto sanadkii 30 milyan oo ganni.

 

 

Arsenal iyo Puma ayaa galay heshiis shan sano ah kaas oo la cusboonaysiin karo marka uu dhaco sidaan horay u soo sheegnana Gunners ayaa heli doonta 30 milayn oo Ganni sanadkii, Ivan Gazidis oo ka mid ah maamulka kooxda Arsenal ayaa sheegay in lacagaha ay ka helaan shirkada Puma ay diyaar u yihiin inay suuqa ku galaan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xaggaaga.

Dhanka kale Shirkada Puma ayaa kusoo qortay boggeeda Twitterka” Waan ku faraxsanahay inaan heshiis la gaarno kooxda Arsenal waxaan isku daynay dhawr mar oo hore lakin hada  waxay u muuqataa inuu nasiibku na caawiyay”.