Arsene Wenger : Arsenal Ciyaartoy Cusub Ayay U Baahntahay Bishan January.

29/01/2014 21:25

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 29-January-2014

Arsene+Weng

Arsene Wenger ayaa sheegay in kooxdiisa ay u baahan tahay inay lasoo saxiixato xiddigo cusub inta ka harsan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Ee January.

Sport Mall ayaa shaacisay in tababare wenger uu u sheegay raga suuqa u qaabilsan Arsenal inay ciyaaryahano cusub ku soo biiriyaan kooxda oo uu fara muuqay balse lama oga ciyaartoydas, arintan ayaa ka dambeysay kadib markii xalay Arsenal taako kala kulanatay Southampton.

Xiddigo badan oo Arsenal ka tirsan ayaa dhaamacayo uga maqan garomada sida Walcott Diaby Sanogo waxana kulankii Southampton ciyaarta dhawac uga baxay Cazorla iyadoo uu Ramsey weli la tacaalayo dhawaci soo gaaray sido kale Flamini ayaaa ku maqnan doona ganaax kadib markii uu qaatay kaarka casaanka ciyaartii ka dhacday St Mary’s.

 

 

” Anigu ma hayo hadal badan oo aan idin iraahdo balse waxan la kulanay dhibaatoyin cusub waxa dhawacmay xiddigo muhiim u ahaa kooxda wana ku qasbanahay inan badalkoda kooxda keeno” ayuu wenger u sheegay saxaafada.

Arsenal ayaa iminka leh 52 dhibcood 23 kulan ay ciyaartay xillli ciyaaredkan iyadoo ay jirto in Arsenal aysan wax koob ah ku guuleysan mudo sideed sano ah.