AS Roma Oo Doonaysa Inay Heshiiska U Kordhiso Laacibkeeda Miralem Pjanic

30/01/2014 07:38

Waxaa Qoray:maslaxtaleexi

Taariikh: 29-January-2014

Miralem-Pjanic-1492179

Kooxda Roma ayaa ku dhow inay heshiis cusub ka saxiixdo laacib  keeda ree Bosnia Miralem Pjanic kadib markii la shaaciyay in laacib kaan uu ka tagi doono kooxda ka dhisan caasimada talyaaniga ee Roma, kadib markii uu soo dhawaaday waqtigii uu dhici lahaa heshiis kiisa kooxda AS Roma.

Qaar katirsan saxaafada talyaaniga ayaa maanta shaaca ka qaaday in laacib kaan 23 jir ka ah uu ku dhaw yahay inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa Roma maadaama uu dhacaayo heshiiskiisa kooxda Roma xili ciyaareed ka soo socda taas oo ku qasbaysa kooxda Roma inay hada ka saxiixaan heshiis cusub hadii kale waxay ku qasbanaan doonaan inay iska iibiyaan xaggaaga.

 

 

Waxaa xusid mudan in laacib kaan ay doonayaan kooxo badan oo yurub ah waxaana ugu horeeya kooxaha u hanqal taagaya saxiixa laacib kaan kooxda PSG ee dalka France oo doonaysa inay lasoo wareegto laacib kaan xaggaaga hadii uusan heshiiska u kordhin kooxdiisa.