Borussia Dortmund Oo Qorsheyneysa Inay Lasoo Wareegto Daafaca Tottenham Vlad Chiriches.

27/01/2014 05:26

Waxaa Qoray: MASLAXTALEEXI

Taariikh: 27-January-2014

 

 

 

Sida Sports Direct News ay shaacisay kooxda ka dhisan Bundesliga Ee Borussia Dortmund ayaa Xiiseyneysa inay lasoo wareegto xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Tottenham ee u dhasahy Romania.

Xiddigan heerka caalami Ee xulka Romania ayaa Tottenham kusoo biiray xagagii hore mudadii uu Joogay London wuxu lasoo baxay qaab ciyaareed wanagsan oo awood ku dheehan sido kale wuxu Si gaar ah usoo shaac baxay kadib markii uu yimid tababaraha cusub Ee Tottenham Tim Sherwood Kaa oo xiddigan fursado badan siiyay sii uu isu soo muujiyo.

 

 

Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu sameysto Difaac xoogan xagaaga soo socda si uu ugu Soo baxo Champions League guulana u Gaarsiiyo kooxdis Borussia Dortumnd oo Sanadahan dambe lasoo baxday ciyaar Wanaag soo jiitay taagerayasha kubadda Cagta.

Tottenham ayaa xiddigan kasoo bixisay Lacago gaaraya 8.5 Milyan Euro iyagoo laacibkan ka saxiixay qanadaras mudo Dheer  oo uu kula jiro kooxdiisa Tottenham, 24 jirkan ayaa si rasmi ah dalab Uga helay Borussia Dortmund lamana oga Mowqifka ugu dambeya Ee Spurs Ee ku aadan xiddigeda Vlad Chiriches.