Brendan Rodgers Oo Rajaynaya Saxiix Wayn Ka Hor Inta Uu San Xirmin Suuqa Kala Iibsiga

30/01/2014 07:44

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 29-January-2014

brendanrodgersafp

Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa sheegay inuu ku rajo waynyahay inuu sameeyo saxiix wayn ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo ku eg maalinimada jimcaha ah ee nagusoo aadan wuxuuna intaa ku daray in hadii ay usuuro gasho helitaanka laacib wanaagsan ay horay kalasoo wareegi doonaan.

“Waxaan filanaynaa inuu jiri doono saxiix wayn ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga qaboobaha” ayuu u sheegay BBC Sport.

“Hadii ay noosuuro gasho inaan helno laacib kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga waan lasoo wareegi doonaa, kadibna waxaan isku diyaarin doonaa kulamada ka harsan xili ciyaareed kaan”.

 

 

Kooxda Liverpool ayaa ku guul daraysatay inay lasoo wareegto laacib kii hore ee kooxda Basel Mohamed Salah kaas oo ku biiray kooxda Chelsea ee dalka ingiriiska.