Faaqidaada kulanka adag ee dhex maraya Spurs iyo Sky Blues

29/01/2014 20:26

waxaa qoray:maslaxtaleexi
Kulanka: Tottenham Hotspur vs Manchester City

Garoonka: White Hart Lane

Garsooraha: Andre Marriner

Saacada:10:45 habeenimo geeska Africa

Manchester City ayaa fursad u heysata in ay la wareegto hogaanka Premier League waasa hadii ay Tottenham uga adkaato garoonkooda White Hart Lane.

Sky Blues ayaa si foolxun uga soo adkaatay Spurs bishii November ciyaartii ka dhacday Etihad Stadium waxana ay ku garaacday Lix gool.

Tottenham vs Manchester City

Xidigaha Kama Maqan Labada Koox Kulankan EPL?

Tottenham: wax ciyaartoy ah kama maqna.

Manchester City: Samir Nasri, Negredo.

Line up-ka Macquulka Ah?

Spurs: Lloris; Walker, Dawson, Chiriches, Rose; Bentaleb, Dembele; Sigurdsson, Eriksen, Lennon; Adebayor.

Man City: Hart; Zabaleta, Kompany, Demichelis, Clichy; Toure, Fernandinho; Silva, Navas; Aguero, Dzeko.

Ma Ka War Heysay?

Tottenham ayaa guul gaartay todobo jeer,waxaa laga badiyay kaliya hal mar tobankii kulan ee ugu dambeeyay ee gurigooda ay kula ciyaareen kooxda Man City Premier  league.

Sergio Aguero ayaa dhaliyay 13 gool 12-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier league uu saftay,sidoo kalana afar jeer uu ka horyimid Spurs afar gool ayuu ka dhaliyay.

Spurs shantii ciyaar ee ugu dambeeyay midna gool loogama hormarin iyadoo markasta bilaabeysay goolka hore ee ciyaarta.

Bishii November Spurs ayaa ku beegsatay 13 jeer shuut goolka Man City halka Man City iyana ay ku beegsatay goolka Spurs 15 shuut laakiin Tottenham ayaa logo badiyay 6-0 ciyaar ka dhacday garoonka City ee Etihad Stadium.

Goolasha Man City ay dhalisay xagaagan 21.2% kamid ah waxaa ay ku dhalisay darbooyinka sida saaruuqii oo kale ama shuutka ah.

Spurs ayaa xagaagan dhalisay hal gool madax ah waana in ka yar kooxaha kale ee fooqa sare.

Edin Dzeko ayaa dhaliyay seddex gool afartii ciyaar ee ugu dambeeyay ee Man City uu u saftay Premier league,halka shan gool uu ka dhaliyay kooxda Spurs.

Man City ayaa  badisay shan jeer,waxaa laga badiyay kaliya halmar todobadii ciyaar ee ugu dambeeyay oo ay ku wajaheen Premier league kooxda Tottenham.

Spurs ayaa badisay afartii ciyaar ee ugu dambeeyay ,wax guuldaro kuma aysan dhicin ama bar baro.

19 ciyaaryahan oo kala duwan oo ka tirsan Spurs ayaa loo taagay karaka digniinta ee jaalaha,waana in ka badan kooxaha kale.

Guuldaradii lugtii hore Man City ay ku dhigtay kooxda Spurs  ee 6-0 ayaa ka dhigeysa guuldaradii ugu weyneyd ee Tottenham ka soo gaarta Premier league tan iyo sanadkii 1996-dii markaas oo Tottenham looga badiyay 7-1,waxaa ka badiyay Newcastle United.

Guuldaradaas ayaa u wacneyd in shaqada kooxda laga ceyriyo macalinkii Spurs ee Andre Villas-Boas.

Xagaagii hore Tottenham ayaa garoonkeeda ugu badisay 3-1 xagaagii hore kooxda Sheekh Mansour ee Man City.

Kulankii ugu dambeeyay Man City ayaa dib u soo laabasho sameysay markii  labo gool oo laga dhaliyay qeybta hore ay ku badashay afar gool kulankii FA Cup ee Watford ay la ciyaareen.

Tartamayaasha ugu cad cad ku guuleysiga Premier league ee Man City ayaa guuldaro la’aan ah 19 kulan oo ay ciyaartay tartamada oo dhan,16 waa ay badisay,halka seddexna ay bar baro gashay.

Man City ayaa dhalisay tartamada oo dhan goolal aan la rumeysan Karin  waana 110 gool xagaagan kaliya.

Alvaro Negredo oo xagaagan dhaliyay 23 gool ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto garoomada,halka Aguero oo saddexley dhaliyay kulankii u dambeeyay ee FA Cup uu isku dar dhaliyay tartamada oo dhan 25 gool.