Jack Wilshere oo Caawa Ka Maqan Kooxda Gunners

29/01/2014 08:42

waxaa qoray:maslaxtaleexi

Jack Wilshere ayaan ku jirin kooxda Arsenal ee caawa oo Talaado ah wajaheysa kooxda Southamptonon kulan ka tirsan horyaalka England Premier League.

Xidigan qadka dhexe ayaa kulankan ka dhacaya St Mary’s Stadium uga maqnaanaya dhaawac jilibka ah waxaana sidoo kale shaki laga linayaa kulanka Gunners Premier League ay ka hortagi doonto Crystal Palace Axada.

Arsene Wenger ayaa qiray Isniintii in Wilshere uu shaki ku jiro in uu dheeli karo kulanka Southampton, kaddib markii uu ku dhaawacmay kulankii Arsenal ay FA Cup-ka ku wajahday Coventry City Jimcihii la soo dhaafay.

351744_heroa

Si kastaba, lama hubo in dhaawaca Wilshere uu sii dheeraan doono iyo in kale laakiin waxaa la sheegayaa in xaaladiisu ay adagtahay.

Kulanka uu Arsene Wenger wajahayo kooxda Saints waxaa sidoo kale ka maqnaan doona xidigo waa weyn oo ka tirsanaa Line up-ka kooxdiisa Gunners.

Sidoo kale waxaa horay uga maqnaa Aaron Ramsey iyo Mikel Arteta, Ramsey ayaa kooxda ka maqnaa tan iyo maalmihii Boxing Day.

Kabtanka kooxda Thomas Vermaelen ayaa sidoo kale ku jira kooxda waxana uu ka soo kabsaday dhaawac jilibka ah oo uu ku maqnaa tan iyo kulankii Spurs.