Jose Mourinho Oo Diiday Inuu Ka Hadlo Wararka La Xiriiriyay Diego Costa.

29/01/2014 08:20

Waxaa Qoray: MASLAXTALEEXI
Taariikh: 28-January-2014

Costa

Jose Mourinho tababaraha kooxda Chelsea ayaa diiday maanta inuu ka hadlo wararka la xiriiriyay weerar yahanka kooxda Atletico Madrid Diego Costa, Mourinho ayaa lawaydiiyay inuu ka hadlo wararka la xiriiriyay laacib kaan qaatay dhalashada Spain ee asal ahaan kasoo jeeda Brazil wuxuuna diiday inuu ka hadlo arintiisa halka uu sheegay in Thibaut Courtois uu yahay wali ciyaar yahan Chelsea ah.

“Ma awoodo inaan ka hadlo Diego Costa lakin Thibaut Courtois waa ciyaar yahan aan leenahay anaga” ayuu u sheegay wariya yaasha kadib shirkii jaraa,id ee uu qabtay ka hor kulanka berito ee ay la ciyaari doonaan kooxdaWest Ham United horyaalka Ingiriiska.

Wargayska Daily Star ayaa shaaca ka qaaday in Diego Costa aad loola xiriiriyay inuu u wareegi doono xaggaaga kooxda Chelsea sidoo kale waxaa doonaya laacib kaan kooxaha Man United iyo Arsenal oo aan wali ka quusan saxiixiisa.

Diego Costa ayaa kula jira kooxdiisa Atletico Madrid heshiis lagu bur burin karo 32 Milyan oo euro taas oo ka dhigaysa in kooxahaan ay u arkaan inay u fududahay la wareegitaanka laacib kaan 25 jir ka ah ee ree Spain.