Jose Mourinho Oo Ka Xun Sida Uu Ku Baxay Juan Mata.

27/01/2014 04:54


Waxaa Qoray: MASLAXTALEEXI

Taariikh: 27-January-2014

362425_heroa

Jose Mourinho ayaa sheegay inay aheyd wax adag in Juan Mata laga iibiyo Manchester United, waxaana uu raaligelin ka bixiyay inuu ciyaaryahanka khadka dhexe uga farxin wayay mudadii uu Chelsea ku soo laabtay.

Mata ayaa loo magacaabay xiddigii kooxda ugu fiicnaa xilli labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay, laakiin waxa uu waayay booskiisa markii Mourinho uu ku soo laabtay Chelsea, taasoo keentay in sabtidii uu heshiis 37.1 milyan ginni ugu biiro Man United.

“Arimahaan waa go’aano ay tahay inuu gaaro tababare, laakiin aniga ahaan waxa ay ii aheyd go’aan adag.” ayuu Mourinho u sheegay BBC Radio 5 Live.

 

 

“Waan jeclaan lahaa xaqiiq ahaan inaan kooxeyda ku sii heysto.

“Laakiin in la ceshto ciyaaryahan xaaladan ku jira waa adag tahay. Waxa uu u qalmay in Chelsea ay albaabka u furto.

“Waxaan doonayaa in dadku faraxsanaadaan. Waan ka xumahay inaan uga farxin wayay kooxda dhexdeeda. Taas aad ayaan uga xumahay, laakiin waxaan kooxdeyda ku ag dhisayaa Oscar No 10 ka ciyaaraya.”