Kooxda Schalke Oo Beenisay In Arsenal Ay Kala Heshiiyeen Saxiixa Julian Draxler

27/01/2014 08:51

Waxaa Qoray: MASLAXTALEEXI

Taariikh: 27-January-2014

Julian-Draxler_3027895

Kooxda Schalke 04 ee dalka Germany ayaa beenisay in laacib kooda Julian Draxler uu ku biiri doono kooxda Arsenal ee dalka ingiriiska waxayna sheegtay in aysan wali helin dalab rasmi ah oo ka socda kooxda Arsenal oo ku saabsan 20 jir kaan ree Germany.

Jens Keller oo ah tababaraha kooxda Schalke ayaa cadeeyay in aysan wali helin dalab ku aadan laacib kooda Draxler kadib markii wariyayaal ay waydiiyeen tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger arinta laacib kaan oo uu ugu jawaabay inay haboon tahay inay waydiiyaan tababarihiisa Jens Keller lakin wuxuu sheegay in aysan helin wax dalab ah oo ku aadan Julian Draxler.

 

 

Xalay ayeey ahayd markii la shaaciyay in Arsenal ay wafdi u dirayso Germany kaas oo loogu talo galay inuu soo dhameeyo heshiiska laacib kaan ka hor maalinta jimaca ah e nagusoo aadan oo ah maalinta ugu danbaysa ee suuqa kala iibsiga bishaan janaayo.

Maal mihii u danbeeyay ayaa aad loola xiriirinaayay laacib kaan kooxda Arsenal waxaana la sheegay in Draxler qudhiisu uu doonaayo inuu katago kooxda wararka ayaa intaas sii raaciyay in dhowr mar uu ka dalbaday maamulka kooxda in loo ogolaado inuu kooxda ka tago bishaan janaayo.