Liverpool awood u sheegatay kooxda Everton

29/01/2014 20:07

waxaa qoray:maslaxtaleexi

gerrad

Liverpool ayaa caawa diirka ka dhigtay kooxda Everton oo waxaa ay ugu badisay 4-0.

Seddex gool ayey la timid Liverpool qeybta hore ee ciyaarta oo waxaa u kala dhaliyay Steven Gerrard oo 21 daqiiqo kooweey,waxaa labeeyay oo seddexeeyayna Daniel Sturridge daqiiqadihii 33 iyo 35 aad.

Daqiiqadii 50 ee qeybta labaad ciyaarta Liverpool waxaa kan afaraad u dhaliyay Luis Suarez,inkastoo Daniel Sturridge uu iska qasaariyay gool rigoore ah oo uu ku dhalin lahaa caawa goolkiisii seddexaad.

Liverpool waxaa ay leedahay 46 dhibcood iyadoo ku jirta kaalinta afaraad.

Xiddigihii u safnaa Liverpool (4-3-3) – Mignolet 7; Flanagan 7 (Kelly 73), Skrtel 7, Toure 7, Cissokho 6; Henderson 6, Gerrard 8, Coutinho 8 (Alberto 79); Sterling 7, Sturridge 8 (Moses 71), Suarez 7.