Man United Oo Diiday In Luis Nani Uu Qayb Ka Ahaado Heshiiskii Juan Mata

27/01/2014 08:53

Waxaa Qoray: MR ABIIB

Taariikh: 27-January-2014

nani_3021297

Kooxda Man United ayaa diiday qorshe ay wadatay kooxda Chelsea oo ku aadanaay in ay siiyaan Juan Mata iyagana ay soo dhiibaan laacibka garabka ugu ciyaara ee ree Portugal Luis Nani sida ay sheegayaan qaar ka tirsan wgaysyada Spain, wararka ayaa intaa siiraaciyay in tababaraha kooxda Man United David Moyes uu horay ka diiday isla markiiba dalabka ay soo hor dhigtay kooxda Chelsea.

Wargayska Marca ee kasoo baxa Spain ayaa shaaciyay maanta in Kooxda Chelsea ay ku fikiraysay inay isku helaan Luis Nani iyo lacag iyagana ay bixiyaan Juan Mata lakin midaas ayaa u cuntami waysay David Moyes tababaraha kooxda Man United wargayska ayaa sii raaciyay in durbadiiba Jose Mourinho uu ogolaaday in laga iibiyo isagoo sheegay inuu helay badalka Juan Mata oo uu ula jeeday Mohamed Salah laacib kii hore ee kooxda Basel.

 

 

Juan Mata ayaa ku biiray Man United iyadoo goor dhow la shaaciyay funaanada uu xiran doono lambarkeeda oo ah funaanadii uu katagay Anderson oo ku biiray kooxda Fiorentina ee dalka talyaaniga, halka kooxda Chelsea ay soo xero galisay Mohamed Salah isagoo u xiran doona funaanada lambarka 15.