Man United Oo Ku Dhaw Saxiixa Laacib U Ciyaara Kooxda FC Porto

30/01/2014 07:51

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 29-January-2014

Fernando Francisco Reges

Waxaa soobaxaya warar sheegaya in kooxda Man United ay ku dhowdahay saxiixa laacib ka ree Brazil ee qadka dhexe uga ciyaara kooxda FC Porto ee dalka Portugal Fernando Francisco Reges.

Wargayska Mirror ayaa sheegay in tababaraha kooxda Man United David Moyes uu aad ula dhacsan yahay laacib kaan 26 jir ka ah ee ree Brazil wuxuuna doonayaa inuu lasoo wareego ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga maalinta jimcaha ah ee nagu soo aadan.

 

 

Wargayskaan ayaa sheegay in qiimaha lagu heli karo laacib kaan uu yahay 7 milyan oo euro, laacib kan ayaana doonaya inuu ku biiro waqtigaan lajoogo kooxda ku ciyaarta garoonka Old Trafford ee Man United.

Maalmo ka hor ayeey ahayd markii kooxda macalin David moyes ay lasoo wareegtay laacib kii hore ee kooxda Chelsea Juan Mata, United ayaana la sheegay inay doonayaan inay soo gaba gabeeyaan dhowr heshiis inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xiliga qaboobaha.