Muntari: Waan Ka Caawin Doonaa Michael Essien Sidii Uu Ula Qabsan Lahaa AC.Milan”

30/01/2014 08:46

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 29-January-2014

Muntari and Esian

Laacib ka ree Ghana ee kooxda AC.Milan sulley Ali Muntari ayaa sheegay inuu ka caawin doono saaxiib kiisa ay isku qaranka yihiin ee Michael Essien sidii uu sifaacan horay ugala qabsan lahaa kooxdiisa cusub ee AC.Milan isagoo sidoo kale ku tilmaamay heshiiska Essien mid ay aad ugu faa,iidi doonto kooxda Milan.

Muntari oo lahadlay TV-ga kooxda AC.Milan ayaa sheegay inay saaxiibo ahaayeen isaga iyo Michael Essien mudo ku dhow 12 sano wuxuuna sheegay inuu aad uga caawin doono saaxiib kiis sidii uu horay ugala qabsan lahaa kooxda Milan.

 

 

Muntari ayaa sheegay in heshiiska Essienuu uyahay kooxda AC.Milan heshiis wayn maadaama uu yahay laacib qibrad leh wax badana kusoo kor dhin kara kooxdiisa cusub ee AC.Milan.

Michael Essien ayaa kasoo tagay kooxda Chelsea isagoo ku biiray kooxda AC.Milan ee dalka talyaaniga kadib markii uu boos joogto ah ka waayay kooxda macalin Mourinho.