Nani Oo Ku Dhow Inuu Ku Biiro Inter Milan.

30/01/2014 08:16

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 29-January-2014

310833_heroa

Inter ayaa qarka u saaran inay amaah kula wareegto ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan xiddiga garabka uga ciyaara Manchester Nani ka dib markii xiddiga reer Portugal uu aqbalay dalabka kooxda Serie A ka dhisan sida ay sheegeyso shabakada Goal

Heshiiska ayaa waxaa ku jirta in qiyaar loo siin karo Inter inay si joogta ah kula wareegto ka dib dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana la filayaa in heshiiska la dhaqangeliyo madaama Man United ay ogolaansho siin doonto.

Nin ka tirsan Nerazzurri ayaa shaaca ka qaaday in Red Devils ay maanta ka jawaabi doonto dalabka Inter ka dib waxaa la filayaa in madaxweynaha Inter Erick Thohir uu ansixiyo heshiiska.

 

 

Tababaraha Inter Walter Mazzarri ayaa doonaya inuu adkeeyo weerarkiisa iyadoo kooxdiisa ay ku dhibtooneysay inay goolal dhaliso xilli ciyaareedkan, waxaana uu u arkaa 27 jirkaan mid kooxdiisa anfacaya.

Nani ayaa boos joogta ah ka wayay United waxaana uu ku soo bilowday kaliya shan kulan intii uu ka hoos ciyaarayay tababare David Moyes horyaalka Premier League.

Nani ayaa kooxda horyaalka difaacaneysa u saxiixay heshiis cusub oo shan sanno ah xagaagii, laakiin United ayaa ugu danbeyn u aragtay mid dheeri ku ah ciyaartoyda ay u baahan yihiin, inkastoo ay doonayaan kaliya heshiis amaah ah inay ku fasaxaan halkii ay si toos ah u iibin lahaayeen.