RASMI: Michael Essien Oo Dhameystiray Ku Biiritaankiisa AC Milan.

27/01/2014 05:40

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 27-January-2014

361342_heroa

Chelsea ayaa ku dhawaaqday in Michael Essien uu dhameystiray ku biiritaankiisa kooxda AC Mila.

Xiddiga reer Ghana ayaa boos ka waayay kooxda Premier League ka dhisan, waxaana uu haatan xirfadiisa ciyaareed ka sii wadanayaa San Siro.

Essien ayaa saxiixay heshiis 18 bilood ah oo ku joogayo Milan, waxaana saxaafada loo soo bandhigi doonaa duhurnimada talaadada oo berri ah.

 

 

“Si aan u tusno ixtiraamka aan u heyno Michael waxa ay aheyd inaan ka horistaagin inuu baxo.” ayuu tababaraha Chelsea Jose Mourinho ka yiri bixitaanka 31 jirkaan.

“Waan ku farxsanaan laheyn inuu nala sii joogo sababtoo ah waa ciyaaryahan fantastik ah, laakiin wax walba ayuu u qabtay kooxda, waxaana u yimid fursad u fiican mustaqbalkiisa.

“Waan ogahay inuu ka sii ciyaari karo meel sarre, waxaana u rajeynayaa guul iyo farxad waqtiigiisa Italy iyo Koobka Adduunka ee Brazil.”