Rooney Iyo Van Persie Oo Lagu Arkay Hotelka Ay Joogaan Ciyaartoyda United Loona Badinaayo Inay Ku Soo Bilowdaan Ciyaarta

28/01/2014 10:49

Waxaa Qoray: MASLAXTALEEXI

Taariikh: 28-January-2014

wayne-rooney-robin-van-persie-manchester-unit_2847877

Waxaa goor dhow lagu arkay Hotel-ka gaarka ah ee ay joogaan ciyaartoyda Man United ee ka qayb galaya kulanka Cardiff City ee horyaalka ingiriiska ay la ciyaari doonto kooxda Man United wax yar kadib labadii laacib ee dhaawaca uga maqnaa kooxda ee kala ah Robin Van Persie iyo waliba Wayne Rooney oo lagu daray laacib kooda cusub ee ay Chelsea kala soo wareegeen Juan Mata.

Wararka ayaa sheegaya in seddexdaan laacib laga yaabo inay qayab ka ahaadaan Line Up-ka macalin David Moyes maadaama lagu arkay Hotel ka ay ku jiraan ciyaartoyda ka hor kulanka Cardiff City.

 

 

David Moyes ayaa shalay xaqiijiyay in Wayne Rooney iyo Van Persie ay si buuxda ugu soo laabteen tababaraka buuxa ee kooxda maalintii shalay ahayd taas oo in badan niyada u qaboojisay taageera yaasha kooxda Man United.

Warar  hoose oo la helay ayaa intaa ku daraya in Wayne Rooney iyo Van Persie ay kusoo bilaaban doonaan weerarka kooxda Man United kulanka caawa lakin lama hubo sax ahaan shaha warkaan.