Xiddigii Bartilmaameedka U Ahaa Arsenal Iyo Man United Oo ku Dhow Inuu Ku Biiro Inter.

29/01/2014 21:26

Waxaa Qoray: MASLAXTALEEXI

Taariikh: 29-January-2014

top

Xiddiga heerka caalami Ee xulka Brazil iyo kooxda Lazio ayaa ku dhow inuu ku biiro Inter Milan sido kale waxa socda wada hadalo u dhaxeeya labadda kooxood ayago ka wada hadlaya suurta galnimada uu xiddigan ugu biiri karo Nerazzurri inkastoo dalabyo ay ka helayan kooxaha Premier League.

Manchester United, Arsenal iyo Liverpool ayaa dhamaantood lala xiriirinayay xiddigan, oo wada doonaya 28-sano jirkan u ciyaara Lazio lakiin sida maanta la rajeyanayo wadahadalada uu xiddigan ugu biiri lahaa Inter in lasoo gabagabeeyo iyadoo inter ay xiddigan ku doon dooneyso 10 Milyan Euro.

 

 

Waxaa loo maleeynaya in Lazio doonayso 15 Milyan Euro oo lagu daray ciyaaryahanka da’da yar Ee Inter Ibrahima Mbaye si kastaba ha ahaatee Nerazzurri ayaa dooneysa kaliya inay bixiso 10 Milyan Euro oo lagu daray Ibrahima Mbaye.

Inkastoo uusan heshiiska weli dhicin United iyo Arsenal ayaa shaki la galinaya inay xiddigan la wareegaan iyadoo uu heshiisku ku dhow yahay inuu soo gabagaboobo saacadaha soo socda sido kale Lazio iyo Inter ayaan weli isku waafaqin qodobo ka tirsan heshiiki Inter ay kula wareegi laheyd Hernanes.