Arsenal Oo Ku Hor Kuftay Stoke City Ka Dib Guuldarro Kale Oo Soo Gaartay.

Arsenal Oo Ku Hor Kuftay Stoke City Ka Dib Guuldarro Kale Oo Soo Gaartay.

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 01-March-2014

BhqAcPCCEAAlBPd

Arsenal ayaa guuldarro xanuun leh ay ka soo gaartay kooxda Stoke City oo marti loogu ahaa Brittania Stadium kuwaasoo 1-0 uga badiyay kooxda Gunners oo dib uga dhacday kooxda hogaanka horyaalka heysa.

Tababare Arsene Wenger ayaa ciyaartaan kursiga keydka ku soo bilaabay Mesut Ozil kaasoo waqti nasasho la siiyay isbuucii hore, halka Gibbs uu dhaawac ka soo laabtay islamarkaana uu booska kala baxay Monreal.

Labada kooxood ayaan wax fursado sidaas u weyn abuurin qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo fursadii ugu fiicneyd ee qeybtii hore ay heshay kooxda Stoke city iyadoo goolhayaha Arsenal uu ka badbaadiyay fursad halis aheyd Whelan.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa iyadana sidaas oo kale ku socotay ilaa iyo daqiiqadii 75aad markaasoo Stoke City ay heshay rigoore markii Koscielny uu gacan ku taabtay kubad xerada ganaaxa dhexdeeda.

 

 

Waxaa gool ku laadka u soo istaagay Walters kaasoo dhan qaldan u diray Szczesny ka hor inta uusan gool u sarifin.

Goolkaas rigoorada uu dhaliyay Walters ayaana ugu filnaa Stoke City inay garoonkeeda ku garaacdo kooxda Arsenal kuwaasoo haatan afar dhibcood ka hooseeya Chelsea oo hogaanka heysa iyagoo leh 59 dhibcood.

Arsenal ayaana halis ugu jirta inay booskeeda kaalinta labaad u weyso Liverpool oo xilli dhow la ciyaareysa Southampton, oo haddii ay badiyeen ay farqiga goolasha ku soo geli doonaan booska labaad.