Arturo Vidal Oo Cadeeyay Sababtii Uu U Diiday Inuu Ku Biiro Real Madrid.

Arturo Vidal Oo Cadeeyay Sababtii Uu U Diiday Inuu Ku Biiro Real Madrid.

Arturo Vidal Oo Cadeeyay Sababtii Uu U Diiday Inuu Ku Biiro Real Madrid.

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 15-February-2014

Vidal

Laacibka kooxda Juventus Arturo Vidal ayaa sheegay inuu ku dhawaa inuu ku biiro xaggaagii hore kooxda Real Madrid wuxuuna sheegay inuu lasoo xiriiray tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti.

Vidal ayaa sheegay inuu ku dhawaa inuu ogolaado ku biiritaanka kooxda Real Madrid laakiin wuxuu sheegay in saxiixii ay kulasoo wareegeen Gareth Bale uu ka dhigay in uusan ku biirin Real Madrid.

 

 

laacib kaan 26 jir ka ah oo waraysi bixiyay ayaa yiri” Dhabtii aad ayaan ugu dhawaa inaan ku biiro Real Madrid, waxaana xiriir fiican ka helay Carlo Ancelotti, waxaan ku dhawayn inaan gaarno heshiis, laakiin heshiiskii Gareth Bale ayaa ka dhigay arinta mid aan sii socon oo bur burta”.

Wargayska Marca ayaa shalay qoray in kooxda Real Madrid aysan wali ka quusan laacib ka ree Chile iyagoona ka dhigtay laacib ka ugu horeeya ee ay ka doonayaan suuqa kala iibsiga ee xaggaaga soo socda.