Jamie Carragher: Taageerayaasha Arsenal Waxay Doonayeen Inay Lasoo Wareegaan Coutinho Ee Ma Ahan Ozil”

Jamie Carragher: Taageerayaasha Arsenal Waxay Doonayeen Inay Lasoo Wareegaan Coutinho Ee Ma Ahan Ozil”

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 11-February-2014

Ozil1

Laacib kii hore ee kooxda Liverpool Jamie Carragher ayaa sheegay in taageerayaasha Arsenal ay rajaynayeen inay lasoo wareegaan laacib ka ree Brazil ee kooxda Liverpool Philippe Coutinho halkii ay kalasoo wareegeen laacib ka ree Germany Mesut Ozil.

Carragher ayaa sheegay in kulankii Liverpool ay 5-1 uga badisay Arsenal uu masuuliyadeeda lahaa Ozil maadaama uusan u ciyaarin sidii ay ka filayeen taageera yaasha kooxda Arsenal, Carragher ayaa intaa ku daray in Arsene Wenger aan loo bahnayn inuu canaanto ciyaartoyda kale laakiin loo bahan yahay inuu eeda dusha ka saaro Ozil.

 

 

Jamie Carragher oo lahadlay wargayska Daily Mail yaa yiri” Arsene Wenger sifiican ayuu u canaantay ciyaartoyda kadib qaab ciyaareed kii xumaa ee kulankii Liverpool laakiin ani ahaan waxaan ku talin lahaa inuu eeda dusha kasaaro Mesut Ozil”.

“Wuxuu ahaa mid aan faa,iido lahayn marka uusan kubada haysan, marka ay kubadu soo gaarto aad ayuu u liitay inuu sii wato ama uu si fiican u baaso, waxaan aamin sanahay in taageera yaasha Arsenal ay rajaynayeen in kooxdu lasoo wareegto Philippe Coutinho halkii ay kalasoo wareegeen Mesut Ozil waayo isaga ayaa si fiican uga dhex muuqday ciyaarta”.