Mesut Ozil Oo Raaligelin Ka Bixiyay Qaab Ciyaareedkiisii Xalayto.

Mesut Ozil Oo Raaligelin Ka Bixiyay Qaab Ciyaareedkiisii Xalayto.

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 20-February-2014

371444_heroa

Mesut Ozil ayaa ka raaligeliyay taageerayaasha Arsenalqaab ciyaareedkiisii kulankii xalayto ee guuldarada 2-0 ay ka soo gaartay Bayern Munich.

Kubadsameeyaha reer Jarmal ayaa qasaariyay rigoore iyadoo sidoo kalena lagu eedeeyay dadaal la’aan uu muujiyay kulankii xalayto ee Emirates Stadium.

Ozil ayaa ku soo qoray bogiisa rasmiga ee Facebook: “Subaxa ciyaarta ka dib xitaa ma dareemayo fiicnaan. Waan ka xumahay asxaabeey, qorshaha sidaasi ma aheyn. Iyadoo 10 aan aheyn aad ayay u adkeyd iaan ka badino Bayern.”

Kooxda difaacaneysa Champions League ee Bayern Munich ayaa haatan hal lug kula sii jirta wareega 8da madaama ay garoonka Emirates Stadium guul 2-0 ku gaareen, iyadoo kulanka lugta labaad ay Arsenal booqan doonto Allainz Arena.