Mourinho Oo Iska Iibinaya Oscar Ama Hazard Midkood Si Uu U Soo Iibsado Diego Costa Iyo Mario Mandzukic.

Mourinho Oo Iska Iibinaya Oscar Ama Hazard Midkood Si Uu U Soo Iibsado Diego Costa Iyo Mario Mandzukic.

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 04-April-2014

Eden-Hazard-Oscar-Chelsea

Intabadan wargays yada kasoo baxa ingiriiska ayaa qoray maanta in tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho uu iska iibin doono mid kood Oscar ama Hazard si uu u soo iibsado Diego Costa iyo Mario Mandzukic.

Daily Mirror iyo Express ayaa qoray war isku mid ah kaas oo ah in tababare Jose Mourinho uu isku diyaarinayo inuu iska iibiyo mid kood Oscar ama Hazard si uu ula soo wareego labada weerar yahan ee u kala ciyaara kooxaha Atletico Madrid iyo Bayern Munich ee kala ah Costa iyo Mandzukic.

Kooxda Chelsea ayaa doonaysa inay ilaaliso sharciga dhaqaale wanaaga kaas oo laga rabo koox kasta inay dhaqan galiso, Chelsea oo midaas fiirinaysa ayaa iska iibin doonta Hazard iyo Oscar mid kood si ay u hesho weerar yahan heer sare ah sida lagu qoray warbixinta.

 

 

Metro oo isna ka mid ah wargaysyada ugu afka dheer ingiriiska aadna wax uga qora intabadan suuqa kala iibsiga ayaa sheegaya in Chelsea ay ku qasbanaan doonto inay iska iibiso mid kood Hazard ama Oscar si ay ula soo wareegto Diego Costa iyo Mario Mandzukic.