Osvaldo Oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya Juventus Isagoo Aqbalay Mushahar Dhimis.

Osvaldo Oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya Juventus Isagoo Aqbalay Mushahar Dhimis.

Waxaa Qoray: 

Taariikh: 31-January-2014

 

Dani Osvaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu aqbalay mushahar dhimis weyn si uu uga soo wareego Southampton uguna biiro kooxda Juventus isagoo yimid Turin si uu u maro tijaabada caafimaadka.

28 jirkaan ayaa maanta dib ugu laabanaya Serie A iyadoo kooxda Saints iyo Bianconeri ay ku heshiiyeen heshiis bilowgii amaah ah.

 

 

Wararka ayaana ilaa iyo haatan sheegaya in heshiis lagu dhow yahay, waxaana la rumeysan yahay in Osvaldo uu aqbalay mushahar dhimis weyn si uu inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ugu ciyaaro Juventus.

Waxa uu mushahar ahaan u qaadan doonaa 1.1 milyan euro, iyadoo la rumeysnaa inuu sannadkii kula heshiiyay Southampton mushahar gaaraya 3 milyan euro.