Suuqa: Kooxda Arsenal oo Ka Maarantay Julian Draxler

 

 

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay lasoo wareegeyso kubad sameeyaha kooxda Lyon Yoann Gourcuff hadii ay ku guul darreysato raacdada ay ugu jirto soo xero gelinta Julian Draxler.

Gunners ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Schalke 04 iyadoo rabta inay lasoo wareegto kubad sameeyaha 30ka milyan oo ginni lagu qiimeeyo ee Draxler, laakiin waxay ka cabsi qabtaa inay kooxda ka dhisan Germany xaalka ku adkeyso oo ay ku qasabto inay saxiixa xiddigaan sugto ilaa xagaaga.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail, Arsenal ayaa Gourcuff u aragta xiddig ku haboon inay u weecdaan haddii ay seegaan saxiixa Draxler ka hor xirshamada suuqa kala iibsiga ee Jimcada, xilli ay kooxdiisa Lyon ku dhibtooneyso dhibaato dhaqaale xumo, taas oo malaha ku qasbi karta inay iibiso xiddiga u dhashay dalka Frace.

da

Tababare Arsene Wenger ayaa la aamisan yahay inuu taageere u yahay 27 jirkaan kubad sameeyaha ah, kaas oo qaab ciyaareedkiisii wacnaa iska lumiyey markii uu ku biiray AC Milan sanadii 2006 laakiin haatan dib usoo helay qaab ciyaareedkiisii wacnaa isagoo xilli ciyaareed fiican ku qaadanaya Ligue 1.

Gourcuff ayaa seddax gool dhaliyey 16 kulan oo uu xilli ciyaareedkaan u saftay Lyon, haddii ay Gunners ku guul darreysato saxiixa Draxler ee bishaan Janaayo, Wenger ayaa rajeynaya inuu xiddiga ay isku dalka yihiin Isbuucaan keeno garoonka FLY Emirates Stadium.

 

 

Nagala Soco Facebook


 

 

 

Atletico Madrid Oo Doonaysa Laacibka Kooxda Man United Javier Hernandez

Waxaa Qoray: MR ABIIB

Taariikh: 26-January-2014

Javier-Hernandez

Kooxda Atletico Madrid ayaa doonaysa weerar yahanka kooxda Man United Javier Hernandez kadib markii ay soo baxday in weerar yahankooda Diego Costa uu ku dhow yahay inuu ku biiro kooxda Chelsea ee dalka ingiriiska, wararka ayaa intaa ku daraya in Atletico Madrid ay u calaamadaysatay laacib kaan ree Mexico inuu yahay badal ku haboon xidaga dhawaantaan qaatay dhalashada Spain.

Chicharito ayaa boos joogto ah ka waayay kooxdiisa xili ciyaareed kaan isagoona cadeeyay inuu doonaayo inuu katago kooxda Man United si uu fursad uga helo xulkiisa qaranka koobka adduunka ee sanadkaan lagu qaban doono Brazil, kadib kusoo biiristii Juan Mata ee Man United ayaana laga yaabaa in David Moyes uu u ogolaado laacib kaan inuu katago Old Trafford.

 

 

Shabakada Caught Offside ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Atletico Madrid ay aad u doonayso laacib kaan, Diego Simeone tababaraha kooxda Atletico Madrid ayaa u arka in 25 jir kaan uu yahay nin badali kara laacib kooda laga yaabo inuu ku biiro Chelsea.


Rasmi: Chelsea Oo Dhamaystirtay Heshiiskii Mohamed Salah Iyo Isagoo Ka Hadlay Ku Biiristiisa Chelsea

 

Waxaa Qoray: MASLAXTALEEXI

Taariikh: 27-January-2014

Basel-Basle-v-Chelsea-Mohamed-Salah_3042332

Kooxda Chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa laacibkii kooxda Basel Mohamed salah iyagoona sheegay inay kulasoo wareegeen 11 Milyan oo Ganni, Salah oo waraysi siiyay web-ka rasmiga ah ee kooxda ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kusoo biiro kooxda Chelsea.

“Dhabtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan heshiis u saxiixo kooxda Chelsea, waa koox wayn” ayuu u sheegay web-ka rasmiga ah ee kooxda Chelsea.

“Waxaan rajay nayaa inaan ka dhigo jamaahiirta Chelsea kuwo faraxsan iyo inaan shaqo fiican ka helo kooxda sanadaha nagusoo aadan”.

 

 

21 jir kaan ree masar Mohamed Salah ayaa u saxiixay kooxda Chelsea heshiis dhan shan sano iyo bar isagoona noqonaya ciyaar yahankii ugu horeeyay ee kasoo jeeda masar ee ku biira kooxda Chelsea.

Laacib kaan ayaa labadii lugba ka dhaliyay goolal kooxdiisa cusub Champions League xili ciyaareed kaan, isagoona u xiran doona funaanada 15 kooxdiisa Chelsea.


Arsenal Oo Markale Lala Xiriiriyay Weeraryahanka Juventus Mirko Vucinic

 

Waxaa Qoray: MR ABIIB

Taariikh: 27-January-2014

Mirko-Vucinic-Juventus-2013_2916398

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa weerar yahanka kooxda Juventus Mirko Vucinic  sida ay xaqiijisayLa Gazzetta dello Sport, Arsenal ayaana dadaal ugu jirta inay soo qaadato laacib kaan maal maha yar e ka harsan bishan janaayo.

Laacib kaan ayaan boos joogto ah ka haysan kooxdiisa xili ciyaareed kaan Juventus ayaana doonaysa inay iska iibiso balse wararka ayaa sheegaya in tababare Arsene Wenger uu ku doonaayo laacib kaan amah oo kaliya isagoo doonaya inuu amah kula joogo inta ka harsan xili ciyaareed ka.

 

 

La Gazzetta ayaa sheegtay in Vucinic uu doonaayo inuu ku biiro Arsenal iyadoo sheegtay inuu sugi,la yahay inta laga dhamaynaayo u wareegistiisa kooxda Arsenal.

30 jir kaan ayaa bishaan gudaheeda lala xiriiriyay kooxda Arsenal, basle markasto caqabada ugu wayn ii hor istaagsan u wareegistiisa Arsenal ayaa lagu sheegay labada kooxood oo isku maan dhaafsan qaabka uu u dhacaayo heshiiska maadaama Arsene Wenger uu doonaayo laacib kaan inuu ku helo amah halka Juventus ay doonayso inay iska wada iibiso.


Goal: Arsenal Oo Wafdi U Diraysa Germany Si Ay U Soo Dhameeyaan Labo Saxiix Oo Waa Wayn

 

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 27-January-2014

Draxler

Shabakada Goal ayaa shaacisay in kooxda Arsenal ay isku diyaarinayso inay wafdi u diraan Germany kaas oo soo dhamaynaya labo heshiis oo waa wayn inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maalinta jimcaha ah ee nagusoo aadan.

Goal ayaa sheegtay inay u suuro gashay helitaanka warkaan iyagoona intaa ku daray in maamulka kooxda Arsenal ay isku raaceen in lasoo gaba gabeeyo heshiisyada Julian Draxler laacib ka kooxda Schalke 04 iyo daafaca midi gee kooxda Frankfurt Sebastian Jung inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maalinta jimcaha ah.

Goal ayaa intaa sii raacisay in kooxda Arsenal ay doonayso in ladadajiyo saxiixyada labadaan ciyaar yahan gaar ahaan Draxler laacibka 20 jir ka ah ee kooxda Schalke, waraka ayaa intaa sii raaciyay in kooxda Arsenal ay kala heshiisay wakiilka laacib kaan shuruudaha gaar ka ah waxaana u dhiman inay is af garasho lagaaraan kooxda Schalke oo ku doonaysa laacib kaan 45 Milayn oo Ganni.

 

 

Dhanka kale wafdiga Arsenal ayaa isku dayi doona inay soo xero galiyaan daafaca midi gee kooxda Frankfurt Sebastian Jung oo ah 23 jir iyagoona ku doonaya 8 Milayn oo euro, waxaana intaas lagu daray in Arsenal ay isna kala heshiisay shuruudaha gaar ka ah goor sii horaysay oo bishaan ah waxaana la filayaa inuu buuxiyo booska Sagna oo loo badinaayo inuu katago Emirates dhamaadka xili ciyaareed kaan.

Qaybta weerarka Arsene Wenger ayaan doonayn inuu lasoo wareego Weerar yahan toos ah balse wuxuu suuqa ugu jiraa inuu amah ku helo weerar yahan si uu ugu buuxiyo booska weerarka oo tiro yari laga dareemaayo.


Maanta Oo Isniin Ah Iyo Wararka Xanta Ay Wargeysyada Ingariiska Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga.

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi 

master.national_newspapers_montage11111111_711

Taariikh: 27-January-2014

Maalin wanaagan akhayaarta sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan ku soo dhawaada barnaamijkeena maalin laha ee inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga oo aan ku soo qaadano wararka xanta ay wargeysyada Ingariiska ka qoreen suuqa kala iibsiga.

Maalintii 27aad ayuu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo, waxaana weli socota xan badan oo la xiriirta ciyaartoyda la doonayo iyo kuwa diirada u saaran kooxaha Ingariiska.

Hadaba maanta waxaan idiin soo uruurinay wararka xanta ee ugu waa weyn ee ay wargeysyada Ingariiska qoreen. Xuquuqda wararkaan waxaa iska leh wargeysyada ku hor qoran laacib.net mas’uul kama ahan sugnaanshahooda.

daily mirror

  • Wayne Rooney ayaa laga dhigi doonaa kabtan haddii uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda oo uu saxiixo heshiis 300 kun ginni uu ku qaadanayo isbuucii.
  • West ham ayaa dooneysa inay la wareegto weeraryahanka Southampton Dani Osvaldo, kaasoo haatan ganaax ku maqan ka dib markii uu dagaalay saaxiibkiisa kooxda Jose Fonte.
  • Chelsea ayaa tartan adag la geli doonta Manchester United oo ku aadan saxiixa daafaca bidix ee Southampton Luke Shaw isbuucaan.
  • Newcastle ayaa u sheegtay kooxaha xiiseynaya Yohan Cabaye in lacagta dalbashada ay ka bilaabaneyso 25 milyan ginni.

the sun

  • Wayne Rooney ayaa lagu sharfay inuu wax ka ogaado qorshaha mustaqbalka Manchester United ee suuqa kala iibsiga, iyadoo kooxda reer England ay isku dayayso inay ceshato xiddigaan.
  • Goolhayaha Tottenham Hugo Lloris ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu ka tagayo kooxda haddii ay u soo bixi waayaan Champions League.
  • Juan Mata ayaa sheegay in Jose Mourinho uu ka cerysaday Chelsea.
  • Everton ayaa 8 milyan ginni ku dooneysa daafaca Feyenoord Bruno Martins Indi iyagoo bedelaya xiddiga dhaawacmay Bryan Oviedo.
  • Goolhayaha Leicester Kasper Schmeichel ayaa si lama filaan ah diirada ugu saaran Manchester United.

daily express

 

 

  • Chelsea ayaa heshiis afka ah ka gaartay soo iibsashada weeraryahanka Atletico Madrid Diego Costa. Liverpool, Arsenal iyo Manchester United ayaa dhamaantood lala xiriirinayay.
  • Tottenham ayaa kula tartameysa kooxo badan oo ay ku jiraan Chelsea, Manchester United iyo Manchester City saxiixa xiddiga da’da yar ee Juventus Domenico Berardi.

daily mail

  • Tababaraha Manchester United David Moyes ayaa saxiixiisa cusub si toos ah u ciyaarsiin doona kulanka Cardiff City ee talaadada ee Premier League.
  • Moyes ayaa sidoo kale doonaya daafaca Southampton Luke Shaw iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Newcastle Yohan Cabaye.
  • Nicolas Anelka ayaa diiday qorshe ahaa inuu u dhaqaaqo Lazio, iyadoo West Brom ay sugeyso go’aanka FA-ga ee la xiriira dabaaldegisii muranka dhaliyay.
  • Liverpool ayaa rag indha indheeya u dirtay 19 jirka khadka dhexe Saul Niguez, si ay daawadaan kulankii ay xalayto Rayo Vallecano la ciyaartay kooxdiisa iska leh ee Atletico Madrid.
  • Ka dib markii ay gacanta ku soo dhigeen Juan Mata, Manchester United ayaa haatan diiradeeda u weecisay labada xiddig ee Atletico Madrid Filipe Luis iyo Diego Costa.
  • Manchester United ayaa ka baxday tartankii ay ugu jiraan daafaca St Etienna Kurt Zouma madaama ay aamineen inuu daafaca da’da yar ku sii jeedo Chelsea.

daily star

  • Manchester City ayaa isku diyaarineysa inay u dhaqaaqdo daafaca Arsenal Bacary Sagna kaasoo qandaraaskiisa uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

the guardian

  • Manchester United ayaa iska diiday dalab culus oo uga yimid Paris Saint-Germain oo ku aadan Adnan Januzaj bishaan Janaayo intii uu furnaa suuqa kala iibsiga.

METRO

  • David Moyes ayaa xagaaga doonaya inuu labo heshiis ka soo fuliyo Jarmalka isagoo doonaya xiddiga Bayern Munich Toni Kroos iyo xiddiga Borussia Dortmund Marco Reus.

 

History of project

ku soo dhawoow website keena