Agaasimaha Liverpool Oo U Duulay Ukraine Si Uu U Soo Dhameeyo Heshiiska Konoplyanka.

30/01/2014 22:37

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 30-January-2014

Yevhen-Konoplyanka-3088660

Ian Ayre, agaasimaha Liverpool ayaa u safray Ukraine si uu isagu dayo inuu soo gabagabeeyo saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Dnipro Dnipropetrovsk xiddiga lagu magacaabo Yevhen Konoplyanka.

Reds ayaa durbaba wadahadalo hoose kaga jirta saxiixa xiddigaan lagu qiimeeyo 16 milyan ginni laakiin waxaa loo sheegay inay tartan kala kulmayaan kooxo Jarmal oo iyagana doonaya xiddigaan garabka ka ciyaara. Ayre ayaana u duular shalayto Ukriane si uu heshiiska u soo gabagabeeyo.

Konoplyanka ayaa dalab 10 milyan ginni ah waxaa ka soo gudbisay xagaagii hore kooxda Southampton laakiin kooxdiisa Dnipro ayaa dooneysay 20 milyan euro oo u dhiganta 16.8 milyan ginni.

 

 

Iyadoo qandaraaskiisa kooxda uu dhacayo xagaaga 2015,kooxda reer Ukraine ayaa aaminsan inay heystaan fursadii ugu danbeysay ee ay ku heli kareen qiimo macquul ah.

24 jirkaan ayaa inkastoo laga xiiseynayo Bundesliga hadana isaga waxa uu doonayaa Premier League.