soomaaliya

Laacaibkii hore ee kooxda Muqdisho Axmed cabaas busuri oo 25 sano kadib si wayn loogu soo dhaweeyay garoonka Banaadir+Sawiro

waxaa qoray :maslaxtaleexi Xidigii hore xulka qaranka dalka soomaaliya iyo Naadigii Menecipia Axmed cabaas  Busuri  ayaa shalay si wayn wayn loogu soo dhaweeyay garoonka  Kubadda Cagta   Banaadir (EX koonis ) iyadoona ay goobjoog u ahaayeen kumaan kun dadwayne oo...

Xiriirka Soomaaliyeed Oo Bilaabaay U Diyaar Garowga Ciyaaraha Olombikda 2016 Iyo Tartanka Dhalinyarda Africa 2015.

Waxaa Qoray:maslaxtaleexi Taariikh: 29-January-2014   Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa bilaabay u diyaar garowga qeybta kubada cagta ee tartanka Olombikada aduunka ee lagu qabanayo magaalada Rio De Janerio ee dalka Brazil sanadka 2016-ka iyo sido kale tartanka dhalinyarada...

soomaaliya

Abdisalam Ibrahim Oo Weeraray Siyaasada Man City Sheegayna Inuu Isaga Tagidoono

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 06-January-2014

abdi_liverpool

Laacib ka kooxda Man City asalkiisuna yahay soomali laakiin haysta dhalashada Norway Abdisalam Ibrahim ayaa weerar siyaasada kooxda lacagta badan ee Man City wuxuuna sheegay inuu doonaayo inuu isgato wuxuuna intaa ku daray in xiligii uu kusoo biiray City ay xiisaynayeen ciyaartoyda da,yartaa lakiin kadib ay isku rogeen kuwo lacag wax ku raadsha.

Abdisalam Ibrahim mahelin wax fursad ah oo uu ugu ciyaaro kooxda Man City iyagoona intabadan amah isaga diraayay wixii kadan beeyay 2010.

 

 

Sports Mole ayaa qortay wareysi uu siiyay TV2: “Markaan kusoo biiray kooxda Man City siyaasadooda waxay aheed in ay ku tiirsanaadaan ciyaartoyda da,yarta ah laakiin ma ahayn kuwo lacag ku tiirsan”.

“Waxaan doonayaa inaan isaga tago halkaan oo aan u dhaqaaqo mel kale oo aan awoodo inaan ku dhiso mustaqbal kayga iyo xirfadayda shaqo”.

  1. Codeynta Ballon d’Or: Macalinka Iyo Kabtanka Xulka Soomaaliya Yeey U Codeeyeen?

    Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

    Taariikh: 14-January-2014

    Bd4gVzeIAAA-nig

    Iyadoo Cristiano Ronaldo uu xalayto ku guuleystay abaalmarinta FIFA Ballon d’Or 2013 waxaan dib u eegnay nidaamka codeynta iyo sida ay u dhacday oo ay baahisay FIFA.

    Macalinka xulka qaranka Soomaaliya Abdulle Farayare iyo kabtanka Egal Yasin ayaa labada u codeeyay xiddiga ku guuleystay abaalmarinta Cristiano Ronaldo.

    Codadka macalinka Soomaaliya iyo kabtankiisa ayaa ahaa isku mid, waxa ay kaalinta koowaad ugu codeeyeen Cristiano Ronaldo, kaalinta labaad Neymar halka kaalinta seddexaad ay u codeeyeen Yaya Toure.

     

     

    Ronaldo ayaa abaalmarinta ka qaaday Leo Messi iyo Frank Ribery oo kula tartamayay, isagoo helay 27.99% codadkii la dhiibtay.

    Si aad u aragto sida kabtan walba iyo macalin kasta uu u codeeyay RIIX HALKAAN

Xiddiga Asalkiisa Soomaaliga Yahay Abdisalam Ibrahim Oo Diyaar U Ah Inuu Ka Tago Man City.

 

Waxaa Qoray: mr abiib

Taariikh: 21-January-2014

Abdisalam-Ibrahim-2839582

Abdisalam Ibrahim ayaa rajeynaya inuu ka tago Manchester City islamarkaana uu ku biiro koox cusub ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

City ayaa la fahamsanaa inay dooneysay inay si xor ah isaga fasaxdo ciyaaryahankaan khadka dhexe, inkastoo ay raadinayaan lacag yar oo magdhow ah oo ku aadan 22 jirkaan.

Ibrahim ayaa ku biiray akadeemiga City 2007dii, waxaana loo arkayay markaas xiddiga mustaqbalka laakiin awood uma uusan yeelan inuu ka qeyb noqdo line-upka kooxda Man City.

Xiddigaan khadka dhexe oo lagu tilmaamay mar Patrick Vieira-ha cusub ayaa isha ay soo qabatay markii uu amaahda ku joogay kooxda reer Norway Stromsgodset horaantii xilli ciyaareedkaan waxaana uu ka caawiyay inay qaadaan horyaalka Norway.

Kooxaha sida Swansea, Fulham, St Etienne, Nantes, Hamburg, Stuttgart, Udinese, Fiorentina iyo Sevilla ayaa dhamaantood la fahamsan yahay inay ceyrsanayaan Abdisalam, kaasoo kulankiisii ugu horeysay u saftay xulka Norway horaantii bishaan.

 

 

“Waxaan haatan soo gabagabeeyay tababarkii aan xulka kula qaadanayay Abu Dhabi, waxaana ay aheyd wax fiican inaan kulamo u safto” ayuu Abdisalam Ibrahim u sheegay Sky Sports.

“Waxaan rajeynayaa inaan xaliyo mustaqbalkeyga todobada ilaa 10ka maalmood ee soo socota. Waxaana doonayaa inaan u ciyaaro koox aan horumar ku sameyn karo ciyaaryahan ahaan islamarkaana aan la shaqeeyo tababare fiican oo horumarin kara ciyaarteyda.

“Aad ayaan uga xumahay sida waayaheyga Man City uu ku soo dhamaanayo madaama aan rumeysanahay inaan fursad igu filan la ii siinin ama xitaa aan tababar la qaadanin kooxda koowaad.

“Waxaan doonayay inaan halkaas joogo inta ka hartay xirfadeyda ciyaareed.”

RASMI: Man City Oo Fasaxday Xiddiga Soomaaliga Ah Abdisalam Ibrahim.

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 22-January-2014

Abdisalam

Manchester City ayaa ku dhawaaqday inay iska fasaxeen xiddiga reer Norway ee asalkiisa Soomaaliga yahay Abdisalam Ibrahim ka dib lix sanno iyo bar uu kooxda ka tirsanaa.

Warbixin ay soo saartay City ayaa ku sheegtay inay mustaqbal wanaagsan u rajeynayaan 22 jirkaan ka dib markii uu boos ka heli waayay kooxda xiddigaha waa weyn ee uu heysto tababare Manuel Pellegrini.

 

 

“Manchester City waxa ay xaqiijin kartaa inay fasaxeen Abdisalam Ibrahim. Waxaan u rajeyneynaa wanaag iyo mustaqbal fiican.”

Abdisalam oo haatan xor u ah inuu ku biiro kooxdii uu doonayo ayaa isna uga mahadceliyay Man City mudadii lixda sanno iyo bar ee uu la joogay, waxaana haatan lala xiriirinayay inuu ku biirayo kooxda Gariiga ee Olympiakos iyadoo kooxo kale oo England ka dhisan ay xiiseynayaan..

Feedback