Arsenal Oo Ku Dhow Labo Saxiix Oo Waa Weyn Mirko Vucinic Iyo Julian Draxler.

30/01/2014 22:19

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 30-January-2014

vucinic_1902568a

Arsenal ay xalayto qarka u saarneyd inay labo saxiix oo waa weyn sameyso iyadoo ku dhow inay la soo wareegto weeraryahanka Juventus Mirko Vucinic iyo xiddiga garabka uga ciyaara Schalke Julian Draxler, sida ay qortay The Sun.

Gunners ayaa wadahadalo kula jirtay Juventus oo ku aadan inay heshiis amaah ah ku soo qaadato xiddiga Montenegro Vucinic oo 30 sanno jir ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Vucinic ayaa boos ka waayay kooxda Talyaaniga ka dib imaanshiyihii Carlos Tevez iyo Fernando Llorente.

Xalayto qof ka tirsan Juventus ayaa u sheegay The Sun: “Vucinic waxa uu ku dhow inuu amaah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ugu biiro Arsenal.”

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa isha la raaciyay Vucinic tan iyo markii Theo Walcott uu jilibka ka dhaawacmay taasoo ka dhigtay inuu garoomada ka maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

 

 

juliandraxler_1902557a

Vucinic ayaa la filayaa inuu maanta u soo safro London si uu tijaabada caafimaadka u maro. Wenger ayaa sidoo kale rajo ka qaba inuu Draxler si joogta ah kula wareego ka dib markii ay dib u bilowdeen wadahadaladii kala dhaxeeyay Schalke.

The Sun ayaa sheegeysa in kooxda Jarmalka iyo Arsenal inay wadahadalo horumar leh ka yeelanayaan saxiixa 20 jirkaan.

Schalke ayaanse dooneynin inay ka soo dabacdo 37da milyan ginni ee lagu burburin karo qandaraaska ciyaaryahanka marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Laakiin waxa ay sidoo kale ka warqabaan xiisaha Bayern Munich, waxaana ka baqayaan in Bayern ay la wareegto Draxler xagaaga markaasoo qandaraaskiisa 37 milyan ginni si rasmi ah loogu burburin karo.