“Arsenal Waa Ay Ku Guuleysan kartaa Horyaalka” – Akhri Maqaalka Uu Qoray Arsene Wenger Ka Hor Kulanka Palace.

02/02/2014 02:34

Waxaa Qoray: MASLAXTALEEXI

Taariikh: 02-February-2014

Wenger

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay in kooxdiisa Arsenal ay ku guuleysan karto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu sheegay inay tahay in ciyaartoydiisa ay diirada saaraan qaab ciyaareedkooda.

Wenger oo khabiir isboorti ka ah Eurosport ayaa maqaal ku qoray website-ka TV-gaas, waxaana uu u qornaa sida tan:

“Kaliya waxaa maskaxda ku heynaa hal sheey haddii aan nahay Arsenal, waana inaan mar kale qaadno horyaalka. Si kastaba, Manchester City waxa ay ahaayeen kuwa cajiib ah sagaalkii, 10kii kulan ee ugu danbeysay, laakiin waxaa 53 dhibcood ka heysanaa 23 kulan aan ciyaarnay, waxaana inaan hore u sii socono oo aan diirada saarno ciyaarteena.” ayuu Wenger ku bilaabay maqaalkiisa isbuuclaha ee Eurosport.

“Haddii aan ku guuleysanayo inaan joogta ka dhigno natiijooyinkeeda sida aan soo sameynay waqtiyo qaar, waxaan mar kale ku soo laaban doonaa hogaanka. Sidaasi dareed waa inaan isdejino, diirada saarno ciyaarteena islamarkaana hore u socoto. Markaas ka dibna aan rajeyno in kooxaha kale ay dhibco dhumiyaan.

“Guusheena sannadkan waxa ay ku xiran tahay deganaanshaha kooxda ka dhex jira, iyo inaan sidoo kale ciyaaryahan weyn kooxda ku soo darnay oo ah Mesut Ozil.

“Koox walba waxa ay leedahay mareegta nolosha. Kor ayay aadaa ka dibna hoos ayay u soo laabataa mar kale. Xilli ciyaareedyadii u danbeysay hoos ayaan jirnay, waxaana sannad kasta inaga tagayay ciyaaryahan weyn, mararka qaar labo ciyaaryahan ayaa inaga tageysay hal xilli ciyaareed, Sidaasi darteed waxa ay aheyd inaan mar kale soo bilowno.

“Sannadkaan waa markii ugu horeysay oo aan ceshano dhamaan ciyaartoydeena, waxaana awood u yeelanay inaan ku soo darno Ozil. Ugu daneyna kor ayaan u kacnay. Waa wax sidaas u fudud.

“Waxaa jira dad badan oo shaki ka qaba qaab ciyaareedkeena, waana fahmi karaa taas. Laakii waa shaqadeena inaan beenino kuwa shakiga inaga qaba, waxaana sidaas ku sameyn karnaa kaliya inaan tayo la soo baxno oo aan joogta ka dhigano natiijooyin fiicfiican.

“Kama walaacsanin haddii dadku ay ina aaminsan yihiin iyo haddii kale, sababtoo ah dad badan oo iyaga ka mid ah ayaa doonaya inaan guuleysano.”