Barcelona Oo Dooneysa Xiddiga Man City David Silva Si Uu Bedel Ugu Noqdo Halyeygooda Xavi.

02/02/2014 02:15

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 02-February-2014

silva_1

Barcelona ayaa raadineysa badalka Xavi ayagoo caleemo saartay gaabanaha kooxda Man City David Silva si uu bedel ugu noqdo kubad sameeyaha Blaugrana iyo xulka La Roja Xavi Hernanadez kaa oo si duqoobaya lagana yaabo inuu ciyaaraha ka fariisto.

Saraakiil sare sare oo ka mid ah kooxda reer Catalan ayaa soo saaray liis ciyaartoy u sharaxan booska uu baneen doono 34 jirka barca Xavi waxana liiskaas ka soo muuqday David Silva oo ay Barcelona rabto inay xagaaga la soo wareegto, sido kale saraakiishan ayaa isku raacay in 50 Milyan Euro loo soo bandhigo Silva.

Tababaraha kooxda City Manuel Pellegrini ayaa silva u arka mid muhiim u ah kooxdiisa xilliyada soo socda isagoo doonaya inuu ku guuleysto Premier League iyo Champions League, lakiin madaxda Barca ayaa u arka Silva xiddiga kaliya Ee munaasibka ku ah laguna aamini karo qadka dhexe Ee Barceolna isagoo badal u noqon kara xavi oo kulankiisii 700 u saftay Barca kulankii Malaga.

 

 

Pellegrini ayaa ka cabsi qaba in xiddiga City Silva uu go’aansado inuu ku biiro Barcelona xilliga koobka aduunka la ciyaari doono oo uu qeyb ka noqdo xulka spain Ee ka qeyb galaya koobkas wuxuna ka walwalsanyahay in xiddigaha Barca Ee Spain u ciyaara ay xiddigan ku qalqaaliyaan inuu dib ugu soo noqdo Spain kulana soo biiro Camp nou.

Xiddigii hore ee Valencia ayaa ku soo biiray City 2010 ayagoo xiddigan kula soo wareegay 25 Milyan Pound halka Mareeyayaasha kooxda Barcelona ayaa qorsheynayaan go’aamada muhiimka ah ee khadka dhexe iyo daafaca si loo xaliyo boosaska ay baneyn doonan Xavi iyo Puyol iyagoo u arka Silva furaha kaliya Ee xalin kara qadka dhexe Barca.