Barcelona Oo Soo Jiidaneysa Chinese Badan Iyadoo Maanta U Dabaaldegi Doonta Sannadka Cusub Ee China.

01/02/2014 08:31

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 01-February-2014

1391120646_extras_noticia_foton_7_0

Ciyaartoyda Barcelona ayaa kulanka maanta ay la leeyihiin Valencia waxa ay xiran doonaan maaliyado gacmaha ay uga sawiran yihiin muqaal u eg faras.

Sababta ka danbeysa arintaas ayaa lagu sheegay in Barcelona ay u dabaaldegeyso sannadka cusub ee China ee loo yaqaano Chinese New year.

 

 

Sida ku qoran dhaqanka China, sannadkan 2014 waa sannadkii Faraska waana sababta ka danbeysa muuqaalka faraska ee lagu xardhayo maaliyada Barcelona.

Barcelona ayaa dooneysa inay gasho suuqa China oo ay heshiisyo badan oo dhaqaale ka hesho, talaabadan ay qaadeyso ayaana u soo jiidi kara taageerayaal badan oo China u dhashay taasoo aakhirka keeni karta heshiisyo xayaysiin ah.