Chelsea Oo Diyaar U Ah Inay Iska Iibiso Lukaku Si Lacagta Ka Soo Xarooto Ay Ugu Raadsadaan Gooldhaliye Sarre.

30/01/2014 12:27

Waxaa Qoray: 

Taariikh: 30-January-2014

Lukaku

Chelsea ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Romelu Lukaku si ay lacagta ka soo xarooto ay u qarashgareeyaan dalab qaali ah oo ay xagaaga ka gudbin doonaan midkood Falcao ama Diego Costa, sida ay qortay jariirada Daily Star.

Blues ayaa rajeyneysa iay 20 milyan ginni ku hesho iibka Lukaku kaasoo haatan amaah ku jooga Everton, iyadoo Atletico Madrid ay xiiseyneyso xiddiga reer Belgium sida wargeyska uu sheegayo.

Lacagtaas waxaa loo adeegsan doonaa in lagu soo iibiyo midkood xiddiga mudada dheer diirada u saarnaa ee lagu qiimeeyo wax ka badan 50 milyan ginni Falcao kaasoo u dhaqaaqistiisii Monaco ay noqotay mid qaraar ama Diego Costa kaasoo qandaraaskiisa Atletico Madrid lagu burburin karo 32 milyan ginni.

 

 

Sida iska cad Lukaku mustaqbal kuma lahan Stamford Bridge inta uusan joogo tababare Jose Mourinho, madaama ay isku dhaceen intii uu ciyaaryahanka amaah ugu biirayay Everton horaantii xilli ciyaareedkan, in si toos ah la isaga iibiyana waa wax uu ku fekerayo Specail One.

Haddii Atletico ama koox kale oo dooneysa ay ku iibsato Lukaku 20 milyan ginni waxa ay gacansi wanaagsan u tahay Chelsea kuwaasoo labo jibaar lacagtii ay ka soo bixiyeen 2011 ku helaya xiddiga reer Belgium oo Blues ugu fadhiya kaliya 10 milyan ginni.