Daawo Sawirada Naqshada Loo Dhisi Doono Garoonka Santiago Bernabeu.

01/02/2014 06:24

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 31-January-2014

 

Real Madrid ayaa banaanka soo dhigtay qorshaha dhismo ee garoonka cusub ee Santiago Bernabeu iyadoo ay ku baxeyso 400 milyan euros.

Garoonka ayaa laga yaabaa in magaciisa lagu lamaano shirkad si looga helo lacag rikoor ah oo xayaysiin ah, waxaana lagu sameyn doonaa dayactir aad u weyn.

Madaxweynaha kooxda ayaa ku sheegay shir jaraa’id uu maanta qabtay in sababta ka danbeysa dib u dhisna Santiago Bernabeu inay tahay raaxada taageerayaasha.

Halkaan ka daawo sawirada sida uu u ekaan doono garoonka Bernabeu seddex xilli ciyaareed ka dib.

364647_heroa