deg-deg Mirko Vucinic Oo Lagu Waramayo Inuu Iska Diiday Xiisihii Arsenal Iyo Valencia.

31/01/2014 05:42

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 30-January-2014

vucinic_1902568a

Mirko Vucinic ayaa u muuqda inuu iska sii joogayo Juventus iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya inuu iska diiday xiisihii uga imaanayay Arsenal iyo Valencia.

Waxaa la isla dhexmarayay in xiddiga reer Montenegro inuu ka tagayo Old Lady isbuucaan, ka dib markii uu burburay daqiiqadii ugu danbeysay heshiiskii uu ugu wareegi lahaa Inter Milan.

 

 

Si kastaba, wararka xanta ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in Vucinic uusan xiiseyneynin u soo dhawaanshaha xilliga danbe ee Valencia, halka wariyaha caanka ah ee Sky Sport Italia Gianluca Di Marzio uu sheegayo in 30 jirkaan uu sidoo kale iska diiday xiisaha ay Arsenal u heysay.

Waxaana la fahamsan yahay in Vucinic uu la xiriiray Juve isagoo u sheegay inuu doonayo inuu kooxda sii joogo halkii uu bixi lahaa bishaan Janaayo