Diego Maradona Oo Weerar Culus Qaaday Pele….Mar kale.

27/01/2014 05:41

Waxaa Qoray: MASLAXTALEEXI

Taariikh: 27-January-2014

358835_heroa

Diego Maradona ayaa weerar culus ku qaaday Pele isagoo sheegtay in xiddigii hore ee reer Brazil uu mar walba isaga ka danbeeyo.

Labada nin ayaa lagu yaqaanaa inay saxaafada iska weeraraan, Maradona ayaana la dhicin in Pele la gudoonsiiyay abaalmarin sharafeed xafladii Ballon d’Or ee Zurich ka dhacday dhawaan.

Maradona ayaa abaalmarin la mid ah la siiyay 90meeyadii, waxaana uu aaminsan in xiddiga seddexda jeer ku guuleystay Koobka Adduunka Pele inuu mar kale yahay hooskiisa.

“Sidee dadku ku dhihi karaan Pele ayaa iga hor helay Ballon d’Or? Waxaan Kubada Dahabka ka helay France Football 1996dii.” ayuu xiddigii Argentina u sheegay suxufiyiinta.

 

 

“Sidaasi darteed in laga dhigo in Pele uu horteyda helay Ballon d’Or waa qalad aad u weyn.

“Aniga ahaan, Pele mar walba waxa uu ahaan doonaa ninka labaad marka loo barbardhigo Maradona. Sidaan xitaa u fiiri, wadankiisa Brazil Pele waxa uu ka yahay ninka labaad ee ugu fiican ee Isboortis ciyaara waxa uu ka danbeeya wadihii hore ee Formula One Ayrton Senna.

“Pele waxa uu mar walba ahaan doonaa ninka labaad, ha ahaato kubada cagta caalamka ama isboortiska Brazil. Arinta murugada leh ayaa ah inuu ahaan doono ninka labaad islamarkaana uu booskaas sii ahaan doono.

“Markii uu bixinayay sannadkan abaalmarinta Ballon d’Or oo uu siinayay Cristiano Ronaldo, Pele waxa uu qalday magaciisa isagoo ugu dhawaaqay ‘Cristiano Leonardo’. Taas ayaana ku tusineysa meesha uu mudan yahay.”