Franck Ribery Iyo Karim Benzema Oo Maxkamad Ay Ku Weysay Wax Danbi Ah.

31/01/2014 05:54

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 30-January-2014

361138_heroa

Xiddiga Bayern Munich Franck Ribery iyo xiddiga reer Real madrid Karim Benzema ayaa maxkamad ay labadoodba ku weysay wax danbi oo la xiriira inay la saxiixdeen gabar yar oo jirkeeda ka ganacsata.

Ribery oo 30 sanno jir ah ayaa qirtay inuu lagac ku siiyay Zahia Dehar sannadii 2009kii inay la seexato laakiin waxa uu beeniyay inuu ka warqabay inay ka yareyd da’da 18 sanno waqtigaas.

Benzema oo 26 sanno jir ah ayaa isna iska diiday eedeymaha loo heystay oo dhan ee la xiriirta inuu u galmooday isla gabadhaas, iyadoo maxkamada danbiyada ee Paris ay xukuntay inaysan jirin cadeymo ku filan oo lagu maxkamadeyn karo labada ciyaaryahan.

 

 

Da’da qaangaarnimada dalka Faransiiska waa 15 sanno laakiin in lala seexdo qof ka yar da’da 18 sanno waxaa loo arkaa in lagu xadgudbay ciyaal.

Ribery, Benzema iyo Zahia midkoodna ma xaadirin maxkamada maanta.