Ganaaxa Cristiano Ronaldo Oo Go’aan Laga Gaarayo Arbacada.

04/02/2014 06:17

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 04-February-2014

365636_heroa

Real Madrid ayaa ogaan doonta arbacada mudada uu ganaaxa ku maqnaan doono Cristiano Ronaldo ka dib markii kabtanka Portugal casaan la siiyay axadii.

Xiriirka kubada cagta Spain ayaa ku dhawaaqay inay ka arinsan doonaan ciqaabta ku haboon Ronaldo berrito, oo ah isla maalin ay Los Blancos wajheyso kooxda ay isku magaalada yihiin ee Atletico ee kulan ka tirsan Copa del Rey.

Ciyaaryahankii hore ee Manchester United ayaa casaan toos ah la siiyay ka dib markii ay isku dhaceen Carlos Gurpegui Ander Iturraspe intii ay socotay kulankii axada ay barbaraha 1-1 la galeen Athletic Bilbao.

 

 

Sida uu qorayo sharciga xiriirka kubada cagta Spain,ganaaxa ayaa noqon kara hal kulan ilaa iyo seddex kulan haddii dhacdadaas loo arko mid dagaal ah.

Seddexda kulan ee horyaalka ee soo socota ee ay Madrid ciyaareyso ayaa kala ah Villarreal, Getafe iyo Elche, xiriirka ayaana sidoo kale go’aansan kara inay lugta labaad ee semi-finalka Copa del Rey ku daraan ganaaxa Ronaldo.