Goolhaye Marc-André Ter Stegen Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Barcelona.

02/02/2014 00:38

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 01-February-2014

Ter-Stegen-281013

Kooxda ka dhisan Spain Ee Barcelona ayaa heshiis la gaartay gool hayaha kooxda Borussia Monchengladbach Ter Stegen kadib markii labadda kooxood ay ku heshiyeen lacagaha uu xiddigan ugu biiri lahaa Blaugrana.

Ter Stegen ayaa Barcelona ku soo biiri doona Bisha June marku uu dhamado xilli ciyaaredkan sida ay idaacadda isbaanishka ah Cadena SER xaqiijisay lakiin heshiiska xiddigan ayaa si rasmi ah loo xaqiijin doona bisha June.

Ter Stegen ayay Barca kula soo wareegtay 12 Milyan Euro isagoo saxiixi doona heshiis gaaraya shan sano kaa oo ku eg 2019 dhanka kale Barca ayaa shaacin doonta inay la soo wareegtay Ter Stegen marka uu kooxda isaga tago Valdez.

 

 

Valdez ayaa go’oansaday inuu isaga tago Camp nou marka uu dhamado xilli ciyaaredkan, Barca ayaa in dhawaala doondooneysay goolhaye badal u noqdo Valdez oo laga yaabo inuu ku biiro Monaco oo mushaar gaaraya 12 Milyan Euro miiska u soo saartay.

Warbaahinta qaar ayaa shaaciyay in Victor Valdez uu ogolaaday inuu kooxda sii joogo qandaraas cusubna saxiixi doono lakiin Barca ayaa warkas beenisay oo ku tilmaamtay mid aan sal iyo raad toona laheyn balse ay wada hadalo kula jiraan xiddigan.