deg-deg Guardiola Oo Qirtay In Laga Yaabo In Bayern Munich Ay Toni Kroos Ka Iibiso Man United.

31/01/2014 02:39

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 30-January-2014

kroos_1902822a

Pep Guardiola ayaa qirtay in xiddiga Manchester United diirada u saara Toni Kroos inuu ka tagi karo Bayern Munich.

Xiddiga Jarmalka oo 24 sanno jir ah ayaa waxaa soo daawaday dhawaan tababaraha United David Moyes waxaana qandaraaskiisa uu dhacayaa 2015ka.

Kroos oo 41 kulan u saftay xulkiisa Jarmalka ayaa u tartamaya boos uu ka helo khadka dhexe ee Bayern Munich oo ay kaga horeeyaan Bastian Schweinsteiger, Thiago Alcantara iyo Mario Gotze.

 

 

Ka dib markii Kroos uu soo bandhigay sida uu u careysan yahay markii la bedelay kulankii ay 2-1 xalayto Bayern Munich kaga badiyeen Stuttgart, Guardiola ayaa sheegay inuusan meesha ka saareynin in Kroos la iibin karo bishaan Janaayo.

Tababarihii hore ee Barcelona ayaa yiri: “Kroos waa ciyaaryahan muhim ah laakiin kubada cagta waxyaabaha qaar si degdeg ah ayay isku bedeli karaan.

“Maanta halkaan ayuu joogaa berri waa uu bixi karaa.”