Guardiola oo Xidig Kooxdiisa Ka tirsan u Ogolaaday in uu ku Biiro United

30/01/2014 22:48

 

waxaa qoray:maslaxtaleexi
Pep Guardiola ayaa albaabka u furay Toni Kroos una sheegay in uu ka tagi karo Bayern Munich si uu ugu biiro kooxda xiisaha u qabta ee Manchester United.

David Moyes ayaa u safray Germany Jimcihii waxana uu la kulmay wakiilka Kroos intii ay socotay ciyaartii ay Bayern 2-0 ku garaacday kooxda Borussia Monchengladbach.

Waxana jiray tan iyo waqtigaasi wixii ka danbeeyay warar la isla dhexmarayay kuwaasi oo sheegaya in United ay ku dooneyso xidiga reer Germany ee 24 jirka ah 25 milyan oo gani.

122352

Guardiola oo wax laga su,aalay wararka Kroos la xiriirinaya Red Devils kaddib kulankii Stuttgart ayaan hoos u dhigin in wadahadaladaasi ay socdaan walibana ay ku dhawyihiin is afgarad.

“Waa ciyaartoy muhiim ah, laakiin arrimuhu si dhaqsiya ah ayay ku dhacaan kubada cagta”. Sidaasi waxaa sheegay tababaraha kooxda Bayern Munich Pep Guardiola.

“Halkan ayuu maanta joogaa, Birina wuu baxayaa.”

Wadaxaajoodyadii qadaraas kordhinta ee Kroos uu kula jiray Bayern ayaa dib loo dhigay, waxana wakiilka Kroos, Volker Struth uu sheegay in heshiiska uu yahay mid aan la aqbali Karin.

toni-kroos-456764

Sidaasi darteed Bayern ayaa go,aan satay in xidigan ay lacag ku hesho ka hor inta uusan galin sanadka ugu danbeeya qadaraaskiisa oo dhacaya 2015ka.

Kroos ayaa nafsad ahaantiisa sheegay in ay u furan tahay in uu ka tago kooxda Bayern waxana uu yiri: “Ma awoodi karo in aan bixitaan meesha kasaaro.

122353