Hordhaca: Barca v Valencia Iyo Antonio Pizzi Oo Wajahaya Kooxdisii Barca Isagoo Tababare ah.

02/02/2014 00:43

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 01-February-2014

barca

Barcelona ayaa rajeyneysa inay baaqi ku sii ahaato hogaanka La Liga kadib kulanka Valencia ay kula balansantahay Camp Nou, Barcelona ayaa weli hogaanka goolal kaga heysa Atletico Madrid halka Valencia ay ku jirto kaalinta 5-aad kulankoodi ugu dambeyayna ay bareejo 2-2 ah la dhaafi waayeen Espanyol.

Tata Martino ayaa is badal ku sameyn doona kooxdisa kulankan ku dhawad lix ciyaaryahan wuxuna dib ugu yeeray xiddigihii maqna kulankii Levante Valdés, Piqué, Jordi Alba, Alves, Xavi iyo Leo Messi lakiin Neymar ayaa ciyaartan dhawac ku seegi doona.

Dhanka kale Valencia waxa dhawac uga maqan Sergio Canales halka Joao Pereira loo badinayo inuu kulankan seegayo balse Helder Postiga ayaa laga yaaba inuu kulankan ku soo bilowdo kadib markii uu keydka ku dhameystay kulankii Espanyol.

Kulankaan ayaa soo dhici doona 6:00 maqribnimo xilliga geeska afrika waxana dhexdhexadin doona Pedro Perez.

Xaqiiqoyinka iyo Taariikhda Kulankan:

Barcelona ayaa Valencia ka badisya lix kulan oo is xigxiga laguna ciyaarayay Camp nou.

Juan Antonio Pizzi ayaa dib ugu soo noqday Camp nou markana waa isagoo tababare ah sido kale Antonio Pizzi ayaa Valencia ka hor imaaday isagoo ciyaaryahan Barca ah lix kulan 4 kulan wuu badiyay 1 bareejo ah hal kulana laga badiyay, ciyaarahan dhan badal ayuu ku soo gali jiray isku celcelis ahan wuxu ciyaaray 79 daqiiqo.

Tababraha reer Argentine Antonio Pizzi ayaa suuqa si fcn uga dukaameystay isagoo la soo wareegay dhowr ciyaartoy sida Guardado, Postiga,  Pabón iyo Canales sido kale wuxu la soo saxiixday Rubén Vezo, Eduardo Vargas, Vinicius Araujo iyo xiddigihii hore Ee Barca Sedou Keita.

Valencia ayaa rikoor xumo ka heysata Camp nou kadib markii looga dhaliyay 23 goal ayna dhaliyeen 2 goal todobadii kulan Ee ugu dambeyay ay Camp nou soo xaadiraan.

Shanti sano Ee u dambeysay guushi ugu weyneyd ay Barca ka gaarto Valencia waxey aheyd kulankii ay 5-1 uga badiyeen halka uu Leo Messi dhaliyay afar gool.

Valencia oo guul ama bareejo ku soo gasha gegada Camp nou waxa u dambesay 2006 markaa oo ay 1-1 isla dhaafi waayeen.

 

 

Valencia ayaa laga badiyay hal kulan afarti kulan ee ugu dambeysay halka Barca dhaman kulamdii ugu dambeyay ay guul wada gaartay.

Messi oo aaan wax gool ah dhalin tan iyo bishii November lakiin Valencia ayuu Rikoor gool dhalin ah ka heysta oo waa kooxda 2-aad Ee uu goolal badan ka dhaliyay xilli ciyaaredki hore 8 gool halka Osasuna ay tahay kooxda 1-aad oo uu ka dhaliyay 9 gool.

Shantii kulan Ee ugu dambesay ay kooxahan wada ciyaareen:

La Liga: Sep-1-2013 Valencia 2-3 Barcelona.

La Liga: Feb-3-2013 Valencia 1-1 Barcelona.

La Liga: Sep-2-2012 Barcelona 1-0 Valencia.

La Liga: Feb-19-2012 Barcelona 5-1 Valencia.

Copa Del Ray: Feb-8-2012 Barcelona 2-0 Valencia

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

Barcelona: Valdez; Alves, Pique, Mascherano, Alba; Xavi, Sergio, Fabregas; Alexis. Messi, Pedro.

Valencia:  Alves;  Joao, Costa, Mathieu, Guardado; Romeu, Parejo; Jonas, Banega, Piatti; Postiga.