Horst Heldt Oo Beeniyay In Julian Draxler Uu Ku Biiridoono Kooxda Arsenal

31/01/2014 07:40

Waxaa Qoray:maslaxtaleexi

Taariikh: 30-January-2014

juliandraxler_1902557a

Horst Heldt oo ah maamulaha guud ee kooxda Schalke 04 ayaa sheegay inaysan u ogolaan doonin in Juilan Draxler uu ku biiro kooxda Arsenal bishaan janaayo isagoo sidoo kale sheegay in uusan kooxda ka dalban inay fasaxaan, sidoo kale wuxuu beeniyay inuu soo gaaray wafdi ka socda kooxda Arsenal oo doonaayay inay wada xaajood la galaan.

Horst Heldt oo lahadlay Sky Sports News ayaa yiri”Waan ku faraxsanahay inaan haysano laacib wayn oo ka mid ah kooxdeena, waana ku kalsoonahay in Julian uu nalasii joogi doono inta ka harsan xili ciyaareed kaan”.

“Ma doonayno inaan u ogolaano Draxler inuu ka tago kooxda, sidoo kale nagama codsan inuu baxo”.

 

 

Horst Heldt ayaa la waydiiyay inay soo gaareen wafdi ka socda kooxda Arsenal wuxuuna ku jawaabay” Waxaan isku dayay inaan arintaas ka hubiyo xafiiskayga si aan u ogaado inuu jiro qof halkaas igu sugaayo lakin majirin qof isugaayay oo aan mesha ku arkay”.

“Draxler heshiiskiisa cusub kuma jiro qodob ah heshiis bur burin, lakin qodob kaas wuxuu ku jiray heshiis kiisii hore kaas ayaana go,aaminaaya qiimaha laacib kaan” ayuu kusoo gaba gabeeyay hadal kiisa.

Arsenal ayaa lasoo sheegay inay ku dhowdahay inay soo afjarto heshiiska laacib kaan 20 jir ka ah ee ree Germany lakiin hada waxaa soo muuqanaya in midaas ay meesha kasii baxayso maadaama uu beeniyay maamulaha guud ee kooxda Schalke 04 Horst Heldt warkaas.