Jose Mourinho: Man City Ma Ahan Kooxda Ugu Fiican Adduunka Kaliya Nasiibka Ayaa Saaciday.

01/02/2014 06:34

Waxaa Qoray:maslaxtaleexi

Taariikh: 31-January-2014

 

141538092_3075334

Jose Mourinho ayaa meesha ka saaray sheegashadii macalinka Totteham ee aheyd in Manchester City ay tahay kooxda ugu fiican adduunka isagoo sheegtay in kooxda Manuel Pellegrini uu kaliya nasiibka saaciday.

Macalinka Tottenham Sherwood ayaa amaan kala duldhacay City ka dib markii guuldarro 5-1 dhabarka loo saariyay Spurs habeenkii arbacada, laakiin Mourinho oo kooxdiisa Chelsea ay habeenka isniinta booqan doonto Etihad Stadium ayaa sheegay in la arki doono in City ay tahay kooxda adduunka ugu fiican marka ay ciyaarayaan Champions League.

“Malaha tababaraha Tottenham England ayaa la ah dunida oo dhan” ayuu yiri Mourinho.

“Inay City fiican tahay waxaan ku arki doonaa Champions League. Waxaan arki doonaa labo bilood ka dib.”

Mourinho ayaa sheegay in City ay ku faa’iday nasiib ay ka heshay dhanka garsoorayaasha isbuucyadii u danbeysay.

“Nasiib ayay leeyihiin” ayuu yiri. “Xaqiiqda waxa ay tahay waxaa jirtay go’aano badan oo dhankooda u janjeersaday.

“Kulankii Liverpool, goolkii la diiday ee Sterling. Rigooradii lagu galay Suarez. Kulankii Newcastle goolkii iska cadaa ee laga diiday.

“Kulankii Tottenham, goolkii Dawson, rigooradii iyo casaankii Danny Rose. Wax walba ayay heystaan. Hadalkeyga si qaldan yaan loo tarjumin kaliya waa isku aad dhacay.”