Laacib hore Liverpool, Chelsea iyo Aston Villa Hateley ayaa Maanta ku dhintay da’aada 72-sano jir

02/02/2014 03:26

waxaa qoray:maslaxtaleexi

k

Ciyaaryahankii hore ee kooxda  Liverpool weerarka ugu ciyaari jiray Tony Hateley ayaa uu geeriyooday xalay isaga isaga oo da’diisu tahay 72-sano jir.

Kooxda Chelsea ayaa iyadana xidigaan ku soo iibsatay £96,000 sanadkii1967, Hateley intii uu joogay Anfield waxa uu u dhaliayay 28-gool ka dib markii uu u saftay 56-kulan.

Wiil uu dhalay Hateley oo lagu magacaabo Mark Hateley ayaa mar u dheelay xulka wadanka England .

Liverpool ayaa ku xaqiijisay webseedkeeda gaarka ah dhimashada Tony Hateley oo ku geeriyooday isaga oo jira da’da 72-sano jir.

Hateley ayaa sidoo kale waxa uu u soo dheelay kooxo ay ka mid yihiin Aston Villa, Coventry, Birmingham iyo  Notts County intii uu ciyaaraha ku jiray.