Liverpool Oo Qarka U Saaran Saxiixa Konoplyanka Ka Dib Markii Tottenham Ay Ka Baxday Tartanka.

31/01/2014 00:50

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 31-January-2014

article-0-1B0E41B800000578-817_636x382

Liverpool ayaa qarka u saaran inay bixiso 15 milyan ginni oo ah lacagta ay ku dooneyso kooxda Dnipro xiddiga garabka ka ciyaara Yehven Konoplyanka ka dib markii Tottenham ay ka baxday tartanka ay ugu jireen saxiixa ciyaaryahanka.

Si kastaba, Liverpool ayaa weli u baahan inay bixiso mushaharka uu dalbanayo ciyaaryahanka ee ah 100 kun ginni isbuucii si ay u la soo wareegaan xiddig uu calaamadeystay tababare Brendan Rodgers.

 

 

Agaasimaha kooxda Liverpool Ian Ayre ayaa u duulay Ukriane arbacadii si uu isagu dayo inuu heshiiska soo gabagabeeyo, inkastoo la fahamsan yahay in ciyaaryahanka uu la socdo kooxdiisa iyagoo tababar ku qaadanaya xerada La Manga ee Spain.

Konoplyanka – oo ka horyimid labadii kulan ee isreebreebka Koobka Adduunka ee xulka England islamarkaana shabaqa ka soo taabtay kulankii barbaraha 1-1 ee ay Wembley ku galeen 2012 – ayaa ah xiddig aad loo qiimeeyo waxaana uu ka ciyaari karaa garbaha iyo khadka dhexe.