Liverpool Oo Xiiseyneysa Inay La Soo Wareegto ciyaaryahanka M’Vila.

31/01/2014 00:04

Waxaa Qoray: MASLAXTALEEXI

Taariikh: 31-January-2014

yann_m_vila-369938

Liverpool ayaa rajaynaysa inay lasoo wareegto xiddiga heerka caalami Ee xulka France M’Vila inta uusan xirmin suuqa ayago isku dayaya inay heshiis la gaaran Rubin Kazan oo uu xiddigan u ciyaaro sida ay xaqiijisay Liverpool Echo.

Xiddigan ayaa kooxdiisa Rubin Kazan la jooga mudo sanad ah kaliya isagoo kaga soo biiray kooxda ka dhisan ligue 1 Ee Rennes lacago gaaraya  9.6 Milyan Euro wuxuna u saxiixay heshiis afar sano ah oo laga yaabo inay kor u qaado lacagaha lagu heli karo M’Vila.

Si kastaba ha ahaatee warar hoose ayaa sheegaya in xiddigan uusan ku qanacsaneyn nolosha Russia iyadoo 23 jirkan ay ku adkaatay inuu ku sii noolaado jawiga Russia uuna go’onsaday inuu isaga tago xagaaga.

 

 

kooxda Merseyside ayaa qorsheyneysa hadii ay xiddigan iibsigiisa laga diido inay amaah lix bilood ah kusoo qaadato si ay ula soo wareegto marka uu dhamado xilli ciyaaredkan dhanka kale kooxdisa ayaan dooneyn inay iibiso xiddigeda ilaa ay ka hesho lacagaha lagu burburin karo qandaraskiisa.

Reds ayaa in dhawaale doondooneysay  ciyaaryahan ka ciyaari kara qadka dhexe ee daafaca maadama Lucas Leiva uu dhawac kaga maqan yahay garoomada lagana yaabo inuu maqnado inta ka dhiman xilli ciyaaredkan taas oo micnaheeda uu yahay in kooxda ay baahi weyn u qabto xiddigo qadka dhexe ee daafaca ah in lagu sooo biiriyo Anfield.