Maanta Oo Khamiis Ah Iyo Wararka Xanta Ay Wargeysyada Ingariiska Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga

30/01/2014 23:19

Waxaa Qoray: maslaxtaleexi

Taariikh: 30-January-2014

master.national_newspapers_montage11111111_7111

Maalin wanaagan akhayaarta sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan ku soo dhawaada barnaamijkeena maalin laha ee inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga oo aan ku soo qaadano wararka xanta ay wargeysyada Ingariiska ka qoreen suuqa kala iibsiga.

Maalintii 30aad ayuu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo, waxaana weli socota xan badan oo la xiriirta ciyaartoyda la doonayo iyo kuwa diirada u saaran kooxaha Ingariiska.

Hadaba maanta waxaan idiin soo uruurinay wararka xanta ee ugu waa weyn ee ay wargeysyada Ingariiska qoreen. Xuquuqda wararkaan waxaa iska leh wargeysyada ku hor qoran laacib.net mas’uul kama ahan sugnaanshahooda.

daily mirror

 

 

  • Arsenal ayaa qarka u saaran inay soo gabagabeyso heshiis 30 milyan ginni oo ay ku dooneyso xiddiga Schalke Julian Draxler ka dib wadahadalo dheer oo socday tan iyo arbacadii.
  • Crystal Palace ayaa la filayaa inay ugu waraan seddex saxiix sameyso 48 saacadood ee ugu danbeysa ee suuqa kala iibsiga, laakiin weeraryahanka Stoke Jonathan Walters ayaa u muuqda inuusan ka mid noqon doonin seddexdaas.
  • Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa dagaal dhanka qiimaha ah kula jira kooxda Saint-Etienne oo ku aadan daafaca dhexe Kurt Zouma.
  • Lewis Holtby ayaa ka tagi doona Tottenham ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, sida uu sheegay wakiilkiisa.
  • Agaasimaha Liverpool Ian Ayre ayaa u duulay Ukriane si uu u soo dhameystiro heshiiska xiddiga kooxda Dnirpro 24 jirka Yevhen Konoplyanka.
  • Inter Milan ayaa u soo dhawaatay Manchester United iyagoo doonaya inay amaah ku qaataan xiddiga reer Portugal Nani.
  • Wiilka cusub ee PSG Yohan Cabaye ayaa shaaca ka qaaday inuu heshiis sir ah kula jiray Newcastle taasoo la micno aheyd inay iska iibiyaan bishaan.

the sun

  • Arsenal ayaa qarka u saaran saxiixa labo xiddig oo weyn weeraryahanka Juventus Mirko Vucinic iyo xiddiga Schalke Julian Draxler.
  • Liverpool ayaa rajeyneysa inay 15 milyan ginni ku soo gabagabeyso heshiiska xiddiga reer Ukraine Yevhen Konoplyanka.

daily mail

  • Inter Milan ayaa xiiseyneysa inay amaah ku qaadato xiddiga garabka uga ciyaara Manchester United Nani.
  • Brendan Rodgers ayaa ku dhow inuu la soo wareego xiddiga garabka ka ciyaara isagoo aaminsan inuu u baahan yahay xiddig u xaqiijiya Champions League.
  • Juventus ayaa xaqiijisay xiisahooda weeraryahanka Southampton Dani Osvaldo.
  • Everton ayaa isku dayaysa inay heshiis amaah ah ku qaadato weeraryahanka Marseille Saber Khalifa.

daily star

  • Chelsea ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Romelu Lukaku si lacagta ka soo baxda ay xagaaga ugu adeegsadaan soo xerogelinta Falcao ama Diego Costa.
  • Arsemal ayaa ka fiirsaneysa inay dalab 2.5 milyan ginni ku dalbato xiddiga Lille Salomon Kalou haddii ay ku guuldareystaan saxiixa xiddiga Schalke Julain Draxler.

the times

  • Manchester City ayaa diyaar u ah inay suuqa kala iibsiga ka dhex muuqato xilli danbe ka dib markii ay wadahadalo la galeen Porto iyagoo doonaya saxiixyada Eliaquim Mangala iyo Fernando.