Maanta Oo Suuqa Kala Iibsiga Xirmayo Iyo Waxa Aad Ka Filaneyso fc-ifiso.webnode.com

31/01/2014 00:56

waxaa qoray:maslaxtaleexi
Taariikh: 31-January-2014

transfer-deadline-day

Maanta waa maalintii suuqa kala iibsiga uu soo xirmayay, waxaana kooxaha mid weyn iyo yarba ay mashquul ku noqon doonaan inay sameeyaan saxiixyo xilli danbe ah.

Kooxda horyaalka difaacaneysa Manchester United ayaa ilaa iyo haatan bixisay lacagtii ugu badneyd iyagoo 37 milyan ginni Juan Mata kala soo wareegay Chelsea.

Blues iyadana waxa ay kaga jawaabtay soo xerogelinta Nemanja Matic iyo Mohamed Salah, halka ay heshiis sidoo kale ka gaareen saxiixa Zouma.

Liverpool iyo Tottenham ayaa iyagana doonaya mid ama labo wajiyo cusub kooxdooda ku soo daraan, halka Arsenal laga yaabo in saxiix weyn oo la mid ah kii ay sameeyeen xagaagii ee Mesut Ozil oo kale ay sameeyaan maanta.

Man City oo ah koox boorso weyn ayaa inkastoo ay aamusnaayeen inta badan ee bishaan hadana waxaa la filayaa inay ugu yaraan labo ciyaaryahan la soo wareegaan maanta.

Italy ayaa iyadana sidoo kale mashquul ku noqon doonta suuqa kala iibsiga maanta, Dani Osvaldo ayaa la filayaa inuu Juventus ku biiro iyadoo Bianconeri ay sidoo kale dooneyso inay xal u hesho Mirko Vucinic.

Inter Milan waxaa lala xiriirinayaa inay amaah ku qaadan doonaan xiddiga Man United Nani, halka AC Milan oo ciyaartoy amaah kula soo wareegtay bishaan ay haatan wadahadal kula jirto sidoo kale Biabiany.

 

 

Dhanka La Liga kooxaha waa weyn ee Real Madrid iyo Barcelona lama filayo inay wax dhaqdhaqaaq weyn sameeyaan maanta, Valencia oo seddex ciyaaryahan iska dirtay shalayto islamarkaana la soo wareegtay Seydou Keita ayaa laga yaabaa inay maanta saxiixyo kale sameeyaan.

Halkee kala socon karaa dhaqdhaqaaqa suuqa kala iibsiga maanta?

Waxaad kala socon kartaa bogeena fc-ifiso.webnode.com sida caadada inoo aheyd maalin kasta oo deadline day ah waxaan si toos ah u soo gudbinaa dhaqdhaqaaqa suuqa kala iibsiga heshiisyada dhaca oo aan soo gudbino islamarkii ay dhaceen iyo weliba wararka xanta ee tirada badan ee maanta soo bixi doona.

Barnaamijkeena tooska ah waxa uu bilaaban doonaa khudbada Jimcaha ka dib ee waqtiga Soomaaliya gaar ahaan 2pm saacada geeska Afrika, waxaana wadi doonaa ilaa iyo caawa saq dhexe waqtiga Yurub ama 3da subaxnimo xilliga geeska Afrika.

Sidoo kale waxaad bogeena ka daalacan doontaa heshiisyada dhaca oo faahfaahsan, iyo weliba liiska aad inooga barateen inaan soo gudbino maanta oo kale oo ku saabsan ciyaartoyda la kala wareegay oo aad kala socon karto mar walba.

Suuqa kala iibsiga waxa uu xirmayaa 11pm waqtiga Ingariiska.